Wasiirka Beeraha Oo Ugu Beeralayda In Ay Ka Faa’iidaystaan Roobka Karanta

0
660

Hargaysa(Hargeisa Press.com): Wasiirka  Horurinta  Beeraha Somaliland   Axmed  Muumin Seed, ayaa ugu baaqay beeralayda dalka in ka faa’iidaaytaan roobabka da’aya  oo  ay laban laabaan wax  soo saarka.

Axmed Muumin Seed,  oo maanta la hadlay warbaahinta  waxa uu sheegay in ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran beeralayda.

Waxaanu intaasi ku daray in ay sameeyeen kooxo wasaarada beeraha ka socda oo gacan ka gaysan doona wixii caqabado  ah ee  la soo dersa beeralayda Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxaynu jirnaa wakhtigii uu bilaamayay roobkii Karanta. Waxaanu u badan yahay dhinaca galbeedka,  waana roobka inta badan laga faa’iidaysto.

Waxaana kula dar-daarmayaa beeralayda reer Somaliland ee ku hawlan wax soo saarka dalka   meel kastoo ay joogaan   in ay kaa faa’iidaystaan roobabkaa soo socda, oo ay dedaal badan sameeyaan, oo ay laban laabaan wax soo saarkooda”.

“Wixii caqabado ah  ee ka hor yimaada beeralayda ama dawooyin ha noqoto, ama wax kale  waa in ay la soo xidhiidhaan wasaarada Beeraha.

Iyadoo aanu samaynay kooxo  wareegaya oo ku hawlan in ay gacan ka gaystaan wixii beeralaydu nooga baahan tahay,  anagoo qaadanayna masuuliyada na saaran”ayuu yidhi wasiir Muumin Seed.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in roobab ka da’a ay degmada Taleex uu qaaday agabkii  beeralaydu degaankaasi  isticmaalaysay. “Wasaarada Beeraha waxay marwalba u taagan tahay sidii ay u dhiiri gelin lahayd beeralayda dalka.

Waxaanay dareensan tahay markasta shacabkeeda beeralayda ah, waxaa na soo gaadhay oo cabasho nooga timid beeeralayda degaanka  Xalin ee  degmada  Taleex   ee gobalka Xaysimo.  Waxaanay  noo soo sheegeen in roobku ka qaaday Miishinadii iyo agabkii  beeralaydu adeegsanaysay.

Waxaanu awood badan saarnay in aanu si deg dega uga jawaabno, dhibaatooyinkaa roobku gaadhsiiyay. Waxanu sida ugu dhakhsaha badan   u gayn doonaa Miishanadii  iyo Tuubooyinkii roobku ka qaaday waanan  xalin doonaa dhibaatooyinkaa  roobka ka soo gaadhay beeralayda”ayuu yidhi wasiirka beerhaa Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here