Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Tababar U Furay Safiirada Somaliland U Fadhiya Wadamada Dibada

0
1053

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta kulan is xog waraysi ah u qabtay safiirada Somaliland u fadhiya wada dalka dibadiisa,taas oo lagu lafo gurayay layskana xog waraysanayay xaalada siyaasadda arimaha dibadu wakhtiga ay ku sugan tahay.

Kulankan oo lagu qabtay maanta magaalada hargaysa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyeyaasha jaamacadda safiirada iyo waliba masuuliyiin ka socday saddeda xisbi qaran ee Somaliland.

Ugu horayn waxa kulankani furay wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali shire waxaana uu ka hadlay muhiimada ay leeyihiin kulanada aqoon korodhsiga ahi.

nimid in aynu halkan ka bilawno tababar,wadatashi,xog iswaydaarsi inoo socon doona muddo laba cisho ah,sababta aynu u qaban-qaabinay xafladdan aynu maanta iskugu nimid waxa weeyi in marwalba loo baahan yahay in aynu isku nimaadno ugu yaraan sanadkii inteena hormuudka ahi,iskana waraysano xaalada arimaha dibada,siyaasadda iyo qorshayaashaba,waxaanad ogtihiin in waddamo aad iyo aad inoogu muhiim ah in safiiro loo magacaabay oo loo baahan yahay iyagana in lagu tababaro xilkooda.

Intaas waxa uu ku daray wasiirka wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali shire isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Anigu waxaan aad iyo aad u aaminsanahay tababarka oo qofkasta lagu tababaro xilka loo dhiibo haday tahay nadiifiso iyo ilaa wasiir,inagu dhaqan ayaynu leenahay aad mararka qaarkood moodo inuu ka soo horjeedo wax korodhsiga oo qofku u qaadanayo markaad tidhaah wax korodhso inaad leedahay waxba mataqaanid.

Geesta kale waxa uu wasiir sacad qadaa dhigay soona jeediyay inuu aad u wanaagsan yahay tababarku isla markaasna aqoon korodhsi wanaagsan yahay,isaga oo hal-haysna u soo qaatay in macaa wasiiradu u baahan yahay in ay helaan tababar xirfadooda wasiirnimo kor loogu qaadayo.

“wasiiradda laftooda ayaa u baahan tababar in lasiiyo,waxaana tababarada ay u baahan yihiin ka mid ah,hogaamin,maamulidshaqaale,maamul dajib,maamulka wakhti,maamulka Mashruuc,qoraal,akhrin iyo hadalka bulshadda.

Sacad ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay inta cisho ee uu soconayo tareerinka looqabtay safiiradda Somaliland u fadhiya caalamka iyo ujeedka laga leeyahay waxa uu daaran yahay waxaana uu wasiirka yidhi.

“maalinta hore barnaamijka aynu madashan ku faaqidayna waxa ka soo qayb galaya jaamacaddaha,axsaabta siyaasadda iyo safiiradda,lakiin maalinta danbe waxa ay madashani gaar u noqon doontaa safiiradda somaliland oo kaliya,ujeedkuna waxa weeyaan in lays barto afkaar lays waydaarsado lakala faa’idaysto,wakiilada cusubna ay bartaan wasaarada xogogaalna ay u noqdaan,iyadda oo aanu madashana ka marti qaadnay xildhibaanada guurtida iyo wakiilada,maalin labaadana waxa uu kulankani gaar u ahaan doonaa safiiradda taas oo la fari doono wixii la xidhiidha shaqadooda.

Kulan kani oo ah mid muhiimada badan ugu fadhiya wasaaradda arimaha dibada iyo safiirada ayaa ah mid sanadkiiba hal mar la qabto lays kana waraysto xaaladaha iyo caqabadaha horyaala Somaliland iyo waliba wixii u qabsoomay,taas oo ay dardar galin xoogan iyo qiimayn balaadhan ay ku waddo wasaarada uu hormuudka u yahay wasiir sacad cali shire.

Gaba-gabadii kulankan oo maanta furitaan uun ahaa ayaa waxa madasha isna hadal kooban oo qaab dhismeedka wasaarada arimaha dibada ka sheegay madasha wasiiru dawlaha wasaarada arimaha dibada Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay caalamka iyo waliba waaxaha ay u qaybsanto.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here