Wasiir Samsam Waa Wasiirkii Ugu Waxqabadka Badnayd Dhammaan Wasiirradii Dalka Soo Maray

0
895

Samsam Cabdi Aadan waa johorad dheeman ah oo ka dhex ifaysa dhammaanba xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana magacaabisteeda wasiirka maaliyaddu xukuumadda ka dhigtay in gebi ahaanba uu kor u kaco dakhligii dalka soo gelayey.

 

Wasiir Samsam oo muddo haysay xilka wasaaradda Maaliyadda, ayaa kor u qaadday heerka ilaalinta hantidaumadda, waxana ay yaraysay oo dabooshay fursad kasta oo wax lagu lunsan karayey, iyada oo taasina keentay inuu maalinba maalinta ka dambaysa kor u kaco dakhliga maalin laha ah ee waddanka soo gelayaa. Marwo Samsam waa maato-daadihis u heellan danyarta iyo dadka jilicsan, waxana eegmada diinka ku korisaa dhallinyarada reer Somaliland oo dhan, waana xubin saaxiib dhaw la ah dhallinyarada oo golaha xukuumadda ku jirta. Waxaay si joogto ah ugu guurgashaa nolosha dadka hoose ku jiraan, iyada oo ku gargaarta wax kasta oo karaankeeda ah inay ku beddesho nolosha cidkasta oo waxqabad iyo taageeroba u baahan. Dhallinyarada reer Somaliland oo dhammi waxa ay wasiir Samsam u yaqaaniin laambad iyaga u shidan oo ay iftiinkeeda kusoo hirtaan, isla markaana u heellan inay isla garab taagto waxkasta oo suurtogal ah, iyada oo aan u eegin deegaan iyo reer midna, waxana markhaati ka ah sida ay u danayso da’yarta wax soo bidda ee xafiiskeeda ugu tagto, kuwaas oo saaciido ka dalbada.

 

Sidoo kale waxa ay wasiir Samsam Dhallinyarada ku habtaa waanooyin iyo wax sheeg waalidnimo oo ku hogo tusaalaynayso mustaqbalkooda isla markaana ugu sheegayso inay wakhtigooda iyo maskaxdoodaba uga faa’iidaystaan wax mustaqbalkooda wax taraya.

 

Waxa ay astaan u tahay wanaag iyo hawlkarnimo ay qayrkeed ku dhaaftay, waxana qof kasta oo arkaa uu ogaanayaa sida ugu heellan tahay inay taageerto mashruuc kasta oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh. Qofka wanaagga iyo naxariista ku caanbaxa ayaa dhinaca kalena waxa kusoo baxa caqabado tiro badan, waxana ay wasiir Samsam inkasta oo ay wanaagyadaas xadka ka baxsan ku sifowday la arkayaa shakhsiyaad dano gaar ah leh oo aflegaadadeeda meel walba la taagan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay inay xajiimeeyaan wanaageeda iyo kartideeda. Shakhsiyaadka dhibsaday horumarka dhinac walba leh ee sida biyaha ugu burqanaya buugga taariikheed ee wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa ah qaar doonaya inay taariikhdaas suuban xumaan u beddelaan, isla markaana aan rabin inuu soo baxo qof wanaagsani.

 

Qoraallo kadhan ahshakhsiyadda iyo wanaagga wasiir Samsam ayaa warbaahinta qaarkeed lagu baahiyaa, waxana shakhsiyaadka ku baahinayaa yihiiin qaar xumaan badani kaskooda ka buuxdo oo carqalad iyo xumaan kusoo talo galay. Xumaanaha dadka noocaas oo kale ah faafinayaan ma aha qaar haba yaraatee wax ka yeelaya wannaagga wasiir Samam, sababta oo ah waxa ay irbad bad lagu tuuray ka noqonayaa mawjadaha wannaagga ah ee dhegaha bulshada habeen iyo maalin ugu dhacaya wasiir Samsam Cabdi Aadan. Wasiir Samsam ma geydo xumaan iyo jiidjiidasho, waana qof runtii tiirdhexaad u ah xukuumadda,

 

waxana tirsanaya oo eeganaya dhammanba da’yarta ku dhaqan Somaliland. Guntii iyo gebogebadii waxa aan maqaalkaygan kusoo afmeerayaa inay wasiir Samsam tahay shakhsi taariikhda Somaliland baal dahab ah ka gashay, isla markaana kor u qaadday oo qayb libaax ka qaadatay horumarka dalka iyo dedaalka dhinac walba leh ee ay ku hawllan tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

 

Dhawaan waxanu baahin doonaa Barnaamijyo muuqaal ah oo aanu lafoguri doono waxqabadka wasiir Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo aanu bulshada kula wadaagi doono waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo muujinaya sida ay wasiir Samsam doorka laxaadke leh uga qaadatay horumarka halbawlayaasha kala duwan ee qaranka.

 

Abdi Abdilahi Ismail

abdi979@live.com

Tel:4480020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here