Wasiir Qambi Oo Ka Hadlay Xalinta Beelihii Ku Dagaalamay Ceegaag

0
692

Horufadhi (HP): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, ayaa sheegay in ay heer geba gebo ah marayso soo af-jaridda shaqaaqo ugu dhexmartay laba beelood deegaanka Ceegaag oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Colaad beeleedkaasi oo muddooyinkanba ay xalinteedda halkaas u joogeen xubno isugu jira masuuliyiin dhinaca xukuumadda Somaliland ka socda iyo sidoo kale xubno madax dhaqameed ah.

C/rashiid Ducaale Qambi, ayaa ka mida masuuliyiin dhinaca xukuumadda Somaliland ka socda oo deegaanka Horufadhi u jooga nabadaynta laba beelood oo dhawaan shaqaaqo dhexmartay.

Xubnahaasi oo uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland iyo masuuliyiin kale.

“Muddo sagaal maalmood ah ayaan Horufadhi hawlaha nabadaynta u joogaa. Intii aan meesha joogay, waan-waan iyo waxyaabo lagu xabeebsamayay ayuun baa socday.

Inta maalmood ee aan joogay, hal marna maanaan fadhiisan” ayuu yidhi wasiir Qambi, oo u waramay Horn Cable TV isagoo ku sugan deegaanka Horufadhi.

Geesta kale wasiir Qambi, waxa uu sheegay in waan-waanta iyo isku soo dhawaynta beelahaasi ay meel fiican marayso, isla markaana hadda laga war sugayo guddigii loo saaray oo 33 nin ah, oo fadhiya meesha la yidhaahdo Ceegaag.

Waxaanu yidhi, “Nabadayntaasi hadda waxay ku sugan tahay, oo ay taagan tahay, in laga war-sugayo, sida ugu dhaw, guddigii loo saaray oo 33 nin ah, oo fadhiya meesha la yidhaahdo Ceegaag.

Sida ugu dhakhsaha badan ayaa la filayaa in guddigaasi ay go’aamo ka soo saran arrinta. Caawa waa la sugayaa, berito waa la sugayaa, habeen danbe waa la sugayaa. Sida aan rejaynayo sida ugu dhakhsaha badan, ayay guddigaasi u soo saarayaan wixii ay ugu tallo galeen in beelahaa lagu nabadeeyo”.

Dhinaca kale wasiirka hawlaha guud waxa uu tilmaamay in  ciidamadda milateriga Somaliland ee aagagaasi fadhiyaa ay kala dhex galeen markii ay beeluhu dagaalameen.

Colaad beeleedkaasi ayaa sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay maleeshiyaad dagaalamay ee labadda beelood.

 

Hargeisa Press.om/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here