Jabuuti oo Shaacisay inay si isku Mid ah u Qaddarinayso Madaxbannaanida Somaliland iyo Soomaaliya

0
688

Dowladda Jabuuti, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay qaddarinayso madaxbannaanida dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, sidaa darteedna ay u go’aansatay inay wadahadal u qabato Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay Jabuuti ahaan yihiin dadka Soomaali ah oo fahmaha xuddunta khilaafka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadal ka jeediyey madashii ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen qodobbada heshiiska ah, waxa uu sheegay in dadka shisheeyaha ah uu marar badan ku guul-daraystay inuu helo dawada khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxa uu caddeeyey inay Jabuuti oo walaalo Soomaali ah ay ku dedaalayaan sidii ay Somaliland iyo Soomaaliya ugu garab-geli lahaayeen gaadhista ujeedooyinka ay leeyihiin, iyadoo ay Jabuuti mar walba tixgelinayso madaxbannaanida labada dale e Somaliland iyo Soomaaliya.

“Shirkan Jabuuti ku qabsoomay waxa aannu qabnaa inuu ka duwan yahay shirarkii hore, waayo waxa aad ogaataan, haddii anagu aan Soomaali nahay shisheeyuhu halka ay  boogtu ku taalo biloo uu arki karayaa, haddana dawadeedii wuu ku raagay oo wuu garan waayey, markaa Jabuuti waxay ila tahay anaga oo qaddarinayna madaxbannaanida Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aannu leenahay Jabuuti waa walaalihiin oo iyaga ayaa garana sida ay idiinku garab galaan haddafkan aad ku socotiin,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Jabuuti.

Waxa qoray; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here