Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Soo Dhaweyn Balaadhan Kala Kulmay Hargeysa, Kana Hadlay Hankiisa Hogaanka Dalka + SAWIRRO

0
778

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Soo dhaweyntiisa ayaa u muuqata mid dhoolatus u ah taageero lala barbar taagan yahay sidii uu musharax uga noqon lahaa xisbiga Kulmiye.

bixi har

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Sheekh Aadan Siiro, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale  iyo boqolaal dadweyne ah ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka loogu sameeyay madaarka Hargeysa oo ay barbar socotay munaasibad loogu qabtay Hotel Crown.

bii 67

biixi haaa

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa hadal uu bulshada soo dhaweysay u jeediyay ku sheegay inuu yahay musharax Kulmiye ka dhex ordaya, isagoo sheegay inuu isbidayo aqoon uu dalka u leeyahay iyo cilmi uu aduunyada u leeyahay. Waxa uu sheegay inuu halkaas ka sii ambaqaadi karo halka xukumadda Siilaanyo dalka marinayso.

biix harge 1

“Sidaad ula socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo.  Waxaan isleeyahay wadanka waxaad ku soo kordhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiirku.

bii 455

bii akak

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here