Ururka HYDA Oo Maanta Tababar U Furay Ardayda Jamacadaha Dalka + SAWIRRO

0
800

Hay’adda wadaniga ah ee HYDA oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa waxa ay manta tababar ku saabsan caafimaadka taranka ee dhalinyarada u furtay  ardayda afarta jaamacadood ee GOLLIS, ALPHA, UNIVERSIYT OF HARGEISA iyo ADMAS. Tababarkan ayaa waxa maalgalisay hay’adda PSI, waxaana ka faa’iidaysan doona 120 arday oo ka kala socota afarta jaamacadood.

Agaasimaha guud ee hay’adda HYDA Khaalid X. Aaden Cabdi
Agaasimaha guud ee hay’adda HYDA Khaalid X. Aaden Cabdi

Xafladii furitaanka waxa ka hadlay agaasimaha guud ee hay’adda HYDA Khaalid X.Aaden Cabdi. Waxa uu ku dheraaday faa’iidada caafimaadka taranku u leeyahay dhallinyarada jaamacadaha ee Somaliland.Waxa uu dhallinyaradii kula dardaarmay kuna dhiiri galiyey in waxbarashada ay manta halkan ka qaateen u sii gudbiyaan ardayda kale ee aan fursada u helin inay ka soo qayb galaan tababarkan.

HAYDA 4

Waxa iyadna ka hadashay Muna  Ibrahim oo ka socotay hay’adda PSI ee tababarkan maalgainaysay, waxaana hadaladii Muna ka mid ahaa, *waxaan aad ugu faraxsanahay inaan manta tababarkan u furo ardayda jaamcadadaha afarta ah ee loo qorsheeyey inay ka qayb galaan fursadan, waxaad tihiin hooyooyinkii iyo aabayashi bari, caafimaadka taranku waxa aynu u baahanay inaynu ku salayno nolosheena manta iyo teena dambeba*

HAYDA 2

Tababarkan ayaa waxa jaamacad kasta uu u socon doona muddo afar cisho ah, iyada oo ardayda guud ee la gaadhi doona sida tooska ah ay yihiin 120 arday.

HAYDA 5

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here