Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Booyad Shidaal Ku Wareejiyay Gudida Gacanta Ku Haysa Dhismaha Wadada Tabca

0
1201

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac ayaa maanta Booyada shidaal ku wareejiyay gudida gacanta ku haysa dhismaha wadada Tabca.

Gaadhigan booyada ah ayaa loogu talagalay in ay qayb ka noqoto dhismaha jidkaasi

Madasha lagu wareejinta booyadaasi ayaa waxaa ka hadley Fu’aad Cabdi Weyd Darwiish iyo Xildhibaan Jaamac Jibriil Jaamac.

Masuuliyiintan ayaa wasiir ku xigeenka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland uga mahad celiyay deeqda uu soo gaadhsiiyay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaadiidka Somaliland Sahal Maxamed Jaamacoo ugu dambayntii madashaasi ka hadlay ayaa xusay in deeqdan Booyada ah ay qayb ka tabay balanqaadyo ay xukuumadu hore ugu samaysay dhismaha wadada Tabca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here