Roobab Waaweyn oo La Filayo Inay Toddobaadkan Ka Da’aan Gobolada Somaliland

0
977

Hargeysa (Hargeisa Press)- Roobab waaweyn, ayaa waxaa la filayaa in ay ka da’aan toddobaadkan qaar ka mid ah gobolada Somaliland, sida ay shaacisay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beerahu.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in saadaasha roobabka gu’ga ee todobaadkan soo socda ay Somaliland ka da’i doonaan 22 ilaa 28 bishan April.

Xogtan, ayaa muujinaysa in ay roobabkan waawayn oo lagu qiyaasay 100-150mm, ay ka da’i doonaan gobolada dalka, sida Maroodi-jeex, Sanaag iyo qaybo ka mid ah gobolka Togdheer.

Halka gobolada kale ee Awdal, Saaxil iyo Sool ay ka da’i doonaan roobab dhex-dhexaad ah oo lagu qiyaasay cabirkooda 20-30mm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here