Wasiir Koore oo Sheegay In Saxaafadda Somaliland Aan Loo Ogolayn Inay Ka Hadasho Arrimaha Amniga

0
1136

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxaa uu  digniin adag u jeediyay saxaafadda Somaliland.

Wasiir Koore oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha 7-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in saxaafadda Somaliland aan loo ogolayn inay ka hadasho arrimaha taabanaya amniga guud ee qaranka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay marnaba diidanayn wixii dhaliil ah ee xaqiiqada ku qotoma ee ay warbaahintu soo tebiso.

Geesta kale, waxaa cadeeyay in xukuumaddu ka shaqaynasyo sidii loo horumarin lahaa saxaafadda dalka.

Shirweynaha 7-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayuu u rajeeyay in uu noqdo mid guul u horseeda Saxaafadda Somaliland.

Waxaanu u soo jeediyey Xubnaha ergada ee Shirweynahan inay tixgelin gaar ah siiyaan Tabashooyinka ka soo yeedhaya qaar ka mid ah Saxaafiyiinta Somaliland oo Saluugay qaabka loo qabtay Shirweynahan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanay jirin wax dibin-daabyo ah oo Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay shirkaasi u gaysanayso, isagoona sheegay inay taageerayaan go’aanka ka soo baxa Shirweynaha 7-aad ee Ururka Solja.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here