Shirweynihii 7aad Ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA oo Maanta Ka Furmay Hargeysa

0
929

Hargeisa (Hargeisa Press) — Shirweynihii 7aad ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Hargeysa, kaas oo socon doona laba maal-mood ah, iyadoo lagu dooran doono hoggaanka ururkaas hagi doona saddexda sanno ee soo socota.

Furitaanka Shirweynahaas waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, ergada shirweyanahaas oo ka kala yimi gobolada dalka, hogaankii hore ee ururkaas iyo qaar ka mida daneeyeyaasha saxaafadda Somaliland.

Ugu horayna waxaa shirkaasi ka hadlay Guddoomiyaha qaban qaabada shirweynaha 7-aad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Mawliid Maxamed Shaqale.

Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuuse la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, gudoomiyaha hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh iyo Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Waayo araga Warbaahinta Somaliland oo hadalo ka jeediyay shirweynahaas, ayaa saxafiyiinta Somaliland u soo jeediyay in shirkoodaasi u qabsoomo si habsami ah, maadaama oo uu yahay ururka ay ku midaysan yihiin dhammaan saxafiyiinta Somaliland, waxaanay intaas ku dareen in jirtaanka ururka SOLJA uu kaalin wayn kaga jiro harumarka saxaafadda Somaliland, iyadoo xoriyadda saxaafadda ee ay haystaan saxafiyiinta Somaliland ay ka mid tahay waxyaabaha ay Somaliland kaga horayso wadamo badan oo caalamka.

Gudoomiyaha Ururka Solja ee Mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mudadii lixda sano ahayd ee uu hogaaminaayay ururkaasi uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ka mid tahay in kor loo qaaday aqoonta guud ee saxafiyiinta ururkaas ku midaysan yihiin, difaacidda Weriyeyaasha iyadoo loo marayo dariiq sharci, kor u qaadida aqoonta guud ee saxafiyiinta dalka.

Waxa kale oo gudoomiye Xuuto sheegay in arrimaha saddexdii sanno ee u dambeeyay ay ku guulaysteen ay ka mid tahay in jaamacadda Hargeysa laga hirgaliyay kuliyad lagu barto cilmiga saxaafadda, iyadoo ay wax ka barteen saxafiyiin kala qaar ka mida saxafiyiinta, kuwaas oo qaatay shahaadooyinka Degree iyo Diploma ee cilmiga saxaafadda.

Ugu dambayn Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa khudbad ka jeediyay shirka waxaanu sheegay in Shirweynaha 7-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja uu noqdo mid guul u horseeda Saxaafadda Somaliland.

Intaas ka dib Waxay ergadii ka qayb gashay Shirweynahaasi doorteen Sadex xubnood oo hagi doona Shirweynahan labada cisho socon doona waxaana maalinta beri ah lagu dooran doonaa 15 Xubnood oo noqon doona Hogaanka Ururka Solja ee Muddada 3-da sano ee fooda inagu soo haya maamuli doona Ururkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here