Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Hogaanka Dhaqanka Awdal iyo Socdaalkiisa Xuduudda Koonfureed

0
861

Wajaale, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Maanta Magaalada Wajaale ee Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland, waxa uu sheegay in Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku salaysan yahay u kuur galka Magaalooyinka ku teedsan Xuduudda dhinaca Koonfureed ee Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Weftigiisa ayaa Xalay goor dambe soo gaadhay Magaalo xuduuddeeda Wajaale halkaasi oo ay uga gudbayaan dhinaca Bariga, iyadoo aanu Wasiir Cukuse cayimin ilaa halka uu gaadhay Madaxweynuhu, balse waxaa la filayaa inuu ilaa Ceerigaabo socdo.

 

Mudane Cukuse waxa uu sheegay in Madaxweynuhu kulan la yeeshay Hogaanka dhaqanka ee Awdal, islamarkaana halkaasi ugu sheegeen inuu yahay Gobolka Awdal mid nabdoon balse laga faafiyay Dacaayado ka dhan ah amniga. Waxa uu sheegay in  madaxdhaqameedku Madaxweynaha u sheegeen inay wax tabanayaan iyagoo reer Somaliland ah balse aanay jirin cid Somaliland diidan.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu Hogaanka dhaqanka Awdal u ballanqaaday inuu fulinayo tabashadooda intii wakhtigan suuro gal noqota. Tabashada Awdal waxay ku salaysan tahay mid Madaxweyne Siilaanyo hore ugu tilmaamay mid culus oo ku salaysan Saamiga Kuraasta dalka iyo Shaqaalaha.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan tiro badan oo wasiiraddiisa ah ayaan la cayimin wakhtiga uu qaadan doono safarkiisa. Waxaa hore loo hadal hayay inuu sameeyo Isku shaandhayn golihiisa wasiiradda ah, si loo bogsiiyo Bulshada Reer Awdal oo tabashadoodu sababtay in Suldaan Wabar noqdo Nin falaagoah oo gala Buuraha Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ee Gobolka Awdal ku beegan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here