Wasiir Ataash Oo Sheegay in Wasaaradiisu Soo Xaraysay Dakhli Badan

0
595

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland C/rasaaq Ataash, ayaa boggaadiyay in wasaaradaasi ay ka mid noqotay wasaaraddaha soo xareeyay dakhliga ugu badan sanadkan 2021-ka.
Waxaanu sheegay wasiir Ataash, in taasi ay muujinayso sida ay wasaaradu kaalinteedii uga qaadatay dakhli soo saarka wasaarradaha dawladda.
Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa xidhiidhka baraha bulshada ee Facebook ku baahiyay.
Waxaanu ku yidhi qoraalkiisa, “Waxaan bogaadinayaa soona dhawaynayaa in Falanqeyn iyo dood dheer kadib la ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 𝟮𝟬𝟮𝟮-ka, wasaaraddaha ugu badan ee soo xereeya dakhliga miisaaniyadda dowlada ayaa ay kamid Tahay 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 iyo 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐢𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚.
Miisaaniyad-sannadeedka 𝟮𝟬𝟮𝟮-ka ayaa cadadkeedu dhamaa 𝟑,𝟒𝟒𝟕,𝟖𝟎𝟐,𝟓𝟎𝟓,𝟓𝟑𝟖 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here