Wasaaradda Gaadiidka Oo Ka Hadashay Qorshe Lagu Yaraynayo Shilalka Gaadiidka

0
585

Hargaysa (HP): Wasaaradda gaadiidka iyo Jidadka Somaliland ayaa ka hadashay shilalka gawaadhida oo muddooyinkan danbe ku soo batay dalka.
Gaar ahaana baabuurta dadka rakaabka ah qaadda ee u kala goosha goboladda dalka Somaliland.
Iyadoo maalmihii ina dhaafay ay goboladda Somaliland ka dhaceen shilal kala duwan oo khasaare sababay.
Waxaana arrintaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, oo uu wehelinayay guddoomiye ku-xigeenka ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha Basaska rakaabka qaadda oo maanta warbaahinta la hadlay.


Agaasimaha guud ayaa sheegay in wasaaraddu ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa shilalka gaadiidka, isla markaana ay hirgeliyeen nidaamyo iyo shuruuc arrintaa wax lagaga qabanayo.
Cumar-sayid C/laahi Aadan, wuxuu tilmaamay in ay adkeeyeen bixinta Liisamadda wadista gaadiidka oo aad loo adkeeyay dadka qaadanaya.
Waxaanu tilmaamay in markii u horaysay ay hirgeliyeen qalabka lagu xadido Xawaaraha baabuurta.
“Horumarada ay wasaarada gaadiidku ku talaabsatay, waxaa ka mida waxaanu soo kordhinay qalabka lagu xadiddo Xawaaraha baabuurta, oo gaadiidka Basaska ah ee goboladda dalka u kala goosha lagu bilaabay.
Waxaanan ku xidhnay 90% ka mida gawaadhidaasi.
Waxa kaloon samaynay qalabka baadhista bed-qabka gaadiidka oo lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland ka jira.
Waxyaabahaas oo dhan waxay wasaaradu uga dan leedahay in shilalka gaadiidka la yareeyo, nafaha dadka la bad baadiyo, oo gaadiidkeenu ay noqdaan kuwo la isku halayn karro. Maadaama oo wasaaradu ay masuul ka tahay” ayuu yidhi Cumar-sayid.
Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo jidkadku waxa uu ka hadlay cidda awoodda u leh fulinta xeerarka iyo shuruucda Wado marista gaadiidka.
Waxaanu yidhi, “Wasaaradu ma fuliso sharciga. Laakiin, waxay soo saartaa shuruucda oo ay baarlamaanka mariso iyo siyaasadihii lagi hagayay gaadiidka.
Cidda gacanta ku haysa, ee ka shaqaysa Waddo marista gaadiidku waa ciidanka nabadgeliyadda Wadooyinka Somaliland”.
Dhinaca kale waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka Dallada Horseed oo ay ku midaysan yigiin shirkadaha gawaadhida goboladda dalka u kala goosha.


Waxaanu sheegay in ay si buuxda ugu shaqeeyaan dhamaanba xeerarka iyo siyaasadaha gaadiidka iyo waddo marista.
Kuwaasoo ay ka mid tahay in baabuurtoodda ay ku xidheen qalabka hoos loogu dhigo Xawaaraha gawaadhida.
Sidoo kalena Basaska shirkadaha goboladda dalka u kala goosha la soo mariyay nidaamka baadhista bed-qabka gaadiidka.
Hase yeeshee, ay dhibaatadu tahay in ay jiraan gawaadhi fara badan oo aan lagu xidhin qalabka Xawaarraha lagu yareeyo.
Taasoo sabab u ah in ay bilihii u danbeeyay kor u kacaan shilalka gaadiidku.
“Wasaaradu waxay noo keentay siyaasad ah in aan gawaadhidayadda Xawaarahoodu 80 KM dhaafi karin. In lagu xidho Speed government. In lagu xidho ama la soo mariyo BBG.
Dhibaatooyinka ugu badan ee imika na haysataa waxa weeye, gaadiidkayagii markii qalabkii Xawaaraha yaraynayay lagu xidhay, waxaa jira malaayiin kale oo gaadiid ah, oo shaqaynaya, oo waddooyinkii maraya, oo aan qalabka Xawaaraha lagu xakameeyo lagu xidhin, ayaa waddooyinkii soo maraya, oo gawaadhidii kale jiidhaya.
Khaladka ugu horeeya waxaa loo qabanayaa Basaskii shirkadaha.
Dhawr shil oo maalmihii u danbeeyay dhacay oo ay galleen qaar ka mida gawaadhida shirkadaha ku jira Dalladda Horseed, ayaa lagu eedaynayaa in ay khaladka leeyihiin.
Waxaan idiin cadaynayaa in kuligood khaladka laga leeyahay, oo ay gawaadhida kale lahaayeen” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka ururka gaadiidleyda Horseed.


Ku xigeenka guddoomiyaha Dalladda Horseed ayaa fariin u diray bulshadda somaliland.
Waxaanu yidhi, “Bulsho weynta Somaliland waxaanu u cadaynaynaa in gaadiidkayagu bed-qaba oo la hubiyay tayadiisa, maamulkiisa iyo siday u shaqaynayaan ay masuuliyad tahay”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here