Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Hay’adda CCF oo Xog Ururin Ka Wadda Goboladda

0
1114

Burco (Hargeisa Press)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland oo kaashanaysa hay’adda CCF { Cheetah Conservation Fun} ayaa goboladda dalka qaarkood ka wadda xog ururin.

Xog ururintaasi oo ku kaabsan dhibaatoyinka haysta Deegaanka iyo duur joogta ayay wasaaradu maanta ka samaysay gobolka Togdheer.

Waxaanay xog ururintani noqonaysaa tii labaad ee nooceedda ah oo ay wasaaradda iyo hay’adda CCF ka wada fuliyaan goboladda dalka Somaliland.

Geesta kale, afar maalmood ka hor ayay wasaaradda deegaanka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda CCF waxay xog ururin tan la mid ah ka fulisay gobolka Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here