“Waxaana gar-gaar hela 795,000 oo qof oo iskugu jira Nafaqada hooyada iyo…”

0
654

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay agaasimaha cusub ee wasaaradaasi iyo agaasimihii hore.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay xil wareejinta labadda agaasime waxaa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, wasiir ku xigeenno.

Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada, gudoomiye ku xigeenka qandaraasyada qaranka iyo xubno xildhibaano ah.

Agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo gelinta Cabdirashiid Ibraahim sheekh Cabdiraxmaan, ayaa hadda madaxweyne Biixi, u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga.

Agaasimaha oo xafladii uu xilka ku wareejinayay ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu xilkaa hayay in ay suurta gashay in wasaaradu gacanta ku dhigto dhamaan arrimaha gar-gaarka dalka oo dhan.

Waxaanu tilmaamay in hadda gar-gaar ay helaan 795,000 Kun qof oo iskugu jira barnaamijyada Nafaqada Hooyada, Bad-baadada iyo shaqo abuurka.

LEAVE A REPLY