Dalagyadii Ugu Badnaa Oo Ka Soo Go’ay Mashruuca Banka Wajaale

0
486

Tog-Wajaale (HP): Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta ku wareejisay haayadda ka hor tagga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka midhaha dalagyo kala duwan oo laga beeray mashruuca banka Wajaale ee gobolka Gabiley.

Raashinkaasi oo dhamaa 2800,oo Jawaan, oo isugu jiray Gelley, Qamadi, iyo Hadhuudh, kuwaasoo ka mid ah dalagyadii laga beeray banka Wajaale ee  soo go’ay sanadkii ina dhaafay.

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaana raashinkaasi ku wareejiyay guddoomiyaha haayadda Kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, munaasibad maanta lagu qabtay banka Wajaale ee gobolka Gabiley.

Dalagyadaasi ka baxay banka Wajaale ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee  ka soo go’a halkaasi, kaasoo kaalin weyn ka qaadanaya  kaydka raashinka qaranka.

 

Hargeisa Pressc.om/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here