Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Oo Kulan Lagu Dhiri Gelinayo Musharixiinta Haweenka Ku Qabatay Caasimada Hargeysa + SAWIRRO

0
1470

Hargeysa,(HargeisaPress)-Wasiirka Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda aya maanta daah furay shir loo qabtay haweenka leh hanka siyaasaded iyo hogaamined

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo faahfaahisay Kaalinta haweenka kaga jiraan Bulshada qabana karaan Arrimaha muhiimka ah ee Bulshada taakulayn karaana qarankooda iyo umadooda qabana karaan waxwalba oo hormara.

Wasiirka Hinda aya saxaafada u sheegtay inay la shaqeeyan haweenka hanka leh marwalbana ay garab istaagan si codkoodu Bulshada qaybaheeda kala duwan uu u gaadho afkaarta haweenka

Dhanka kale agaasimaha guud e Wasaaradda maxamed cilmi Aadan Ilkacase ayaa haweenka u sheegay inay fahmaan inay umadooda wax u tari karaan iyago isku duuban qabana karaan waxwalba oo Bulshada anfaci kara una mahadceliyay waheenka kakala socda axsaabta Qaranka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here