Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

0
1339

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay tirada dadka xanuunka laga helay xanuunka Coronavirus.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadkii baadhitaanka 24kii saacadood ee u dambeeyay la sameeyay ay tabay 108 qof, iyadoona xanuunka laga helay 7 qof.

Warbixinta guud

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 108
Todaba qof (7) ayaa laga helay xanuunka, 5 waa Somalilander, 1 waa Singaporean iyo 1 qof oo Hindi. Bukaanadan 5 qof waa rag, 2 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(0 ilaa 1jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 2 qof)
(30jir ilaa 39jir = 1qof)
(40jir ilaa 49jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 5 qof , Berbera 1 qof iyo Cerigaabo oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Lix iyo Sagaashan (96)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here