Laascaanood: Maamulka Gobolka Oo Gubay Qalab Dawladda Muqdisho U Adeegsanaysay Khal Khal Gelinta Gobolka

0
903

 Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool ayaa meel fagaare ah ku gubay qalab la sheegay in ay dawladda Muqdisho doonayso in ay khal khal ku geliso magaaladda Laascaanood.

Goobtii waxyaabahaasi lagu gubayay waxaa goob jog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay isu duwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ee gobolka Sool, iyo xubno ka mid ah dhalinyaradda iyo aqoonyahanka gobolka Sool.

Qalabkan la gubay ayaa isugu jiray Istiikaro iyo boodhadh uu maamulka Muqdisho isku deyaayey in uu soo geliyo gobolka Sool , si uu ugu khal khal geliyo nabadgelyadda gobolkaasi.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay goobtii ay qalabkaasi ku gubayeen  ayaa sheegay in ay gebi ahaanba gubeen qalabkii kala duwanaa ee ay dawladda taagta daran ee Muqdisho doonaysay in ay soo geliso gobolka Sool.

Gaar ahaana magaaladda Laascaanood, kuwaas oo ay ku doonaysay in ay ku khal khal geliso nabadgelyadda gobolkaasi.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu fariin u diray dhalinyaradda goboladda Sool iyo Buuhoodle oo uu usoo jeediyey in aan nabadgelyadooda lagu khal khalin wax aan dan u ahayn.

Isu duwaha Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ee gobolka Sool oo goobtaas ka hadlay ayaa dhalinyaradda gobolka Sool uga mahad celiyey sida ay gacanta weyn uga geysteen qabashada qalabyaddan uu maamulka Muqdisho doonaayey in uu soo geliyo gobolka Sool.

Gaar ahaana magaaladda Laascaanood si uu ugu khal khal geliyo xasiloonida gobolkaas.

Waxaanu u soo jeediyey dhalinyaradda magaaaladda Laascaanood in ay ka feejignaadaan hagar daamooyinka iyo xasilooni darada  la doonaayo in gobolkaas laga geysto.

Isu duwaha ayaa tilmaamay in qalabkan ay qabteen ay isugu jireen Istiikaro, Boodhadh iyo calamo.

Waxaanu sheegay  in ay gebi ahaanba gacanta ku soo dhigeen qalabkaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here