Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd

2
1615
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa,(HargeisaPress) — Aniga oo ah Maxamed Xasan Ismaaciil  Maxamed Al Somal (Xamaada), ahna mulkiilaha Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd isla markaana  ku leh shirkadan Saami dhan 50%

Waxa mulkiyad been abuur ah  soo samaystay niman Carab iyo Soomaali ah oo sheeganayey in ay sitaan wakaalad, taas oo si qaldan looga ansixiyey Maxkamada Racfaanka, balse ay Qareenadaydu uga ambiil qaateen Maxkamada Sare.

Sidaa darteed, Maxkamada  Sare  waxa ay baadhis ku samaysay labada dhinacba waraaqahoodii,  intaa ka dib waxa ay maanta Maxkamada Sare soo saartay go’aanka ku lifaaqan halkan, kaas oo ay ku beenisay kuna burisay wakaaladoodii, islamarkaana Maxkamada Sare ee Somaliland ku tilmaantay wax aan dhaqan sharci lahayn, laguna kalsoonaan karin

Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Dowlada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo  iyo Maxkamada  sharafta leh ee Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo ka xumaatay sifada sharci darada ah ee aniga iyo shitkadayba lagu la kacay.

Ugudambayn waxaanu rajaynaynaa in hay adaha sharci fulintu ay ku camal fali doonaa. Qaraarkaa Maxkamada sare.

Allaa Mahad Leh

Mulkiilaha Prime Somaliland & Sultan Ltd

Maxamed Xasan Ismaaciil AlSomali (Xamaada)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here