Maxakamadda Sare Ee Somaliland Oo Xukun Kasoo Saartay Dacwad Ku Saabsan Mulkiyadda Shirkadda Prime

0
2445

Mulkiillaha Shirkadda Prime Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraarka Maxakamadda Sare

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maxakamadda Sare eeJSL Ayaa maanta qaraar ay soo saartay waxaa ay ku burisay xukun ay maxakamadda racfaanka ee gobolka Maroodijeex soo saartay oo ku saabsanaa dacwad  ku saabsanayd mulkiyadda  shirkadda PRIME Somaliland oo  u dhaxaysay Mulkiilaha shirkadaasiyo xubno kale. Kiiska dacwadan oo uu racfaansane ka ahaa Cabdikariin Sulaymaan Al-Cumar,halka uu racfaanle ka ahaa mulkiilaha shirkaddani Maxamed Xasan Xamaadi ayaa nuxur ahaan ku saabsanayd wakaal-dibadeed  oo ay shirkadu yeelanayso. Waxaana fadhiga ka goaan gaadhista qaraarkan oo ay shalay yeesheen guddida garsoorka ee Maxakamadda Sare oo ka koobnaa saddex xubnood waxaa ay kasoo saareen qaraar afar qoddob ka kooban kaasioo ay ku burinayaan xukunkii ay hore maxakamadda racfaanku uga soo saartay natiijadiisa.   Waxaana qaraarka ay maxakamaddu soo saartay u dhignaa sidan:

Maxakamadda sare ee JSL

Qeybta Madaniga

Tix: MS/102/2016

Taariikh: 30/03/2017

Racfaanle: Maxamed Xasan Ismaaciil (Xamada)

Qareen: Barkhad Jaamac Aar

Racfaansane: Cabdikariin Sulaymaan Al Cumar

Qareen: Maxamed Maxamuud Xaashi

Maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 30/03/2017 waxay maxakamadda sare oo ka kooban garsooreyaasha kala ah:

  1. Maxamed Cumar Geelle……Guddoomiye
  2. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan….Xubin
  3. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan….Xubin

Oo uu kaalinayo kaaliye Axmed/yaasiin Rashiid Cabdi waxay qolka tashiga ugu fadhiisteen go’aan ka gaadhista qaraarka ansixinita wakaallada dibadeed ee ka soo baxday maxakamadda racfaanka gobolka Maroodijeex. Falanqayn iyo dood kadib  maxakamaddu Markay aragtay Asbaabta kor ku xusan iyo qoddo 246, 259, 312 XHM waxay soo saartay qaraarkan:

Jamhuuriyadda Somalialnd

Magaca Ummadda Somaliland

Maxakamadda Sare Ee JSL

Qaraarka Maxakamadda

Maxakamadda Sare ee JSL:

  1. Waxay Ogolaatay asbaabta rafcaanka rafcaanlaha maxamed Xasan Ismaaciil (Xamaada) ee ku taariikhaysan 22/03/2017.
  2. Waxay diiday jawaabcelinta asbaabta rafcaanka rafcaansaha Cabdikariin Sulaymaan Al-cumar ee ku taariikhaysan 29/03/2017.
  3. Waxay burisay qaraarka Ansixinta wakaallada dibadeed ee sumadiisu tahay MRGMJ/HAWD/XG/18/2017 ee ku taariikhaysan 16/02/2017, wax dhaqan sharcina malaha, lagumana kalsoonaan karo, iyadoon soo marin dariiqooyinkii dublamaasi ee looga baahnaa, in laga soo tastiiqiyo wakaalladaha dibadda.
  4. Waxaa lasoo saaray qaraarkan maanta oo ay taaiikhdu tahay 30/03/2017.” Ayaa lagu soo gebogbayeeyey qaraarka maxakamadda,

Dhinaca kale  Mulkiilaha Shirkadda Prime Somaliland Mr. Maxamed Xasan (Xamaadi) ayaa warsaxaafadeed kooban oo uu xalay soo saaray kaga hadlay  qaddiyadaqaraarkan waxaanuyidhi “ Aniga oo ah Maxamed Xasan Ismaaciil  Maxamed Al Somal (Xamaada), ahna mulkiilaha Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd isla markaana  ku leh shirkadan Saami dhan 50%

Waxa mulkiyad been abuur ah  soo samaystay niman Carab iyo Soomaali ah oo sheeganayey in ay sitaan wakaalad, taas oo si qaldan looga ansixiyey Maxkamada Racfaanka, balse ay Qareenadaydu uga ambiil qaateen Maxkamada Sare.

Sidaa darteed, Maxkamada  Sare  waxa ay baadhis ku samaysay labada dhinacba waraaqahoodii,  intaa ka dib waxa ay maanta Maxkamada Sare soo saartay go’aanka ku lifaaqan halkan, kaas oo ay ku beenisay kuna burisay wakaaladoodii, islamarkaana Maxkamada Sare ee Somaliland ku tilmaantay wax aan dhaqan sharci lahayn, laguna kalsoonaan karin

Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Dowlada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo  iyo Maxkamada  sharafta leh ee Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo ka xumaatay sifada sharci darada ah ee aniga iyo shitkadayba lagu la kacay.

Ugudambayn waxaanu rajaynaynaa in hay adaha sharci fulintu ay ku camal fali doonaa. Qaraarkaa Maxkamada sare.

Allaa Mahad Leh

 Mulkiilaha Prime Somaliland & Sultan Ltd

Maxamed Xasan Ismaaciil AlSomali (Xamaada)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here