Warbixin: Madaxweyne-yaasha Kenya iyo Soomaaliya ma ka Wadahadli Karaan Arrinta Muranka Badda?

0
1173

Hargeysa,(HargeisaPress/BBC)—Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi shalay, kaga wadahadlay xallinta khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo uu arrintaasna ka ergeeyey Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha Kenya, ayaa qaabilay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kulankoodu ahaa mid xasaasi ah oo ku soo beegmay xilli aannu wanaagsaneyn xidhiidhka labada dhinac.

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Axmed ayaa ku guuleystay in uu hal meel isugu geeyo labada hoggaamiye oo ay dowladahooda ka dhaxeysay xurguf siyaasadeed oo cirka isku sii shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed, ayaa lagu sheegay in Uhuru iyo Farmaajo ay subaxnimadii shalay is arkeen, heshiisna ka gaadheen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen xallinta khilaafka soo kala dhex galay labada dal, gaar ahaan arrimaha dabka ku sii shiday xiisadda.

Sidoo kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray xiisaddii siyaasadeed ee ka dhex aloosneyd xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo ay hadalkan dadka qaar u fasirteen mid ka turjumaya in labada Madaxweyne ay wax walba ka wadahadleen.

Durba waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah shacabka iyo madaxda mucaaradka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha xisbiga Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo cambaareeyay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo, isagoo qoraal uu boggiisa facebook soo dhigay ku yidhi; “Waa xad-gudub lagula kacay caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Madaxtooyada Soomaaliya tidhaahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen, iyagoo aan soo hadal qaadin xudduntii khilaafka dhalisay.”

Arrinta muranka badda

Hase ahaatee su’aasha la isweydiinayay ayaa ku saabsaneyd in Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay awood u leeyihiin iney ka hadlaan arrinta muranka badda.

Haddaba, Mr. Ciid Beddel oo ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda, ayaa BBC-da u sheegay in haddii labo dal ay is khilaafaan loo baahan yahay dhinac saddexaad oo dhexdhexaadiya, laakiin qodobkaas aan jidkii ugu wanaagsanaa loo marin.

“Labada waddan xidhiidhkoodu wuu go’ay, safiirradii ayaa la eryay, marka jidka ugu habboonaa wuxuu ahaa marba haddii dal saddexaad uu dhex dhexaadinayo inuu ku kulansiiyo caasimadda waddankiisa, sidaas awgeed Itoobiya haddii ay dhexdhexaadineyso Kenya iyo Soomaaliya, waxay ahayd inay hoggaamiyeyaasha isugu geyso magaalada Addis Ababa,” ayuu yidhi Ciid Beddel.

Dhanka kale, Danjire Ciid Beddel wuxuu sheegay in Kenyatta iyo Farmaajo aanay awood u lahayn iney ka wadahadlaan arrimaha ku saabsan khilaafka badda, waxaannu yidhi; “Arrinta badda ma aha mid uu Abiy Axmed wax ka qaban karo ama Farmaajo uu wax ka beddeli karo, ummadda Soomaaliyeed way soo jeeddaa, dhulkeedana way ku adagtahay. Arrintu Maxkamad bay taallaa, waxaana la sugayaa inta uu go’aanka Maxkamadda soo baxayo.”

Dedaalka Abiy Axmed

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sannadkii la soo dhaafay ee 2018, waxa uu horseeday isbedello badan oo ka dhacay Gobolka geeska Afrika, iyadoo sidoo kalena uu isbeddel ku yimid hannaankii diblomaasiyadda.

Hore waxa uu u soo afjaray colaaddii muddada dheer ka dhex aloosneyd Itoobiya iyo waddanka dariska la ah ee Eretariya. Waxa uu sidoo kale xidhiidh qoto-dheer la sameystay Soomaaliya, isagoo horseed ka noqday iskaashi ganacsi oo labada dal ay yeelanayaan.

Haddana waxa uu u istaagay inuu waanwaan ka dhex sameeyo Soomaaliya iyo Kenya oo xidhiidhkooda diblomaasiyadeed uu mugdi badan galay.

Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya siyaasadda, ayaa BBC-da u sheegay in saameyn badan uu la yimid Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, waxaannu yidhi; “Abiy Axmed waa nin fikrad cusub ku dhaliyay Geeska Afrika iyo Itoobiya gudaheeda, waxaadna mooddaa inuu maskax nool keenay, meel ay gaadhi doonto Ilaah baa og. Sida muuqata labo arrimood ayuu xoogga saarayaa, midda koowaad oo ah inuu Adduun weynaha u muujiyo inuu hoggaamiye u noqday guud ahaan gobolka, nabaddana u hor seeday, taasoo laga yaabo inuu ku raadinayo abaal-marinta caalamiga ah ee nabadda iyo tan labaad oo ah inuu jiho u helo dhaqaalaha Itoobiya ee ciirciiraya.”

Prof. Samatar ayaase dhanka kale Danjire Ciid ku raacay fikirka la xidhiidha in Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaasha kale toona aanay awood u lahayn inay faragaliyaan arrinta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaannu yidhi; “Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan gorgortan dhanka xuduudda badda ah, wayna ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo.”

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here