Warbaahinta Oo Xogo Halis Badan Ka Helay Doorka Faafitaanka Fikirka Shiiciga Iyo Takfiirku Ka Marayo Somaliland,Shirkii Shiicada Africa Ee Diridhaba Ka Dhacay Oo Ay Ka Qayb Galeen Kooxo Dalka Ka Tagay

0
1030
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —iyada oo ay isa soo tarayso walaaca culimadda iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ka qabo fikradaha halista ku ah caqiidadeena suuban ee diinta islaamka,dhibaatooyinka dhaqan xumo ee dibadaha la inooga soo waariday.

 

Kooxaha aaminsan mabaadii’da halista ah ee dhawaan soo baxa ah iyo guud ahaanba xalaadaha dhinaca fusuqa iyo fasahaadka dalka lagu dhex fidinayo ayay noo suurto gashay in aanu shalay oo jimce ah  waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelano gudoomiyaha gudida wanaagsan farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdirxmaan Maxamed Cabdalle Cali oo wargeyska Foore la wadaagay xogo la yaab badan oo u baahan in shacabku ka waano qaato xukuumadda iyo culimadduna iska kaashato sidii dalka looga sifayn lahaa waxna looga qaban lahaa.

 

Gudoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle ilaahay haka abaal mariyo wanaaga iyo bulshada uu wadanee waxa aanu si gaar ah uga waraysanay halista faafintaanka fikirka Shiicada ee geeska Africa gaar ahaana Somaliland,kooxaha loo yaqaano Al-hijra Wal Takfiir,sixiroolayaasha oo mudooyinkan danbe kusoo noqday dalka iyo  guud ahaanba macaasida oo laga dayrinayo heerka ay dalka ka marayaan isticmaalka maandooriyayaasha  Khamriga iyo Xashiishaddu iyo waliba guryo iyo hoteelo lagu tunto oo gudida wanaag faristu xogo gaar ah ka hayso oo ay dawlada kala shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa.

 

Halista Fikirka Shiiciga Ah Iyo Somaliland

 

Ugu horeyn gudoomiyaha hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu walaac ka muujiyay fiditaanka fikirka mad-habka ah ee shiiciga oo Somaliland looga soo waaridayo dalalka shisheeye iyo kuwa jaarkeena ah oo uu ku tilmaamay inay wadaan kooxo uga hawl galaya gudaha dalka si qarsoodi ah,isaga oona farta ku fiiqay Sheekhu mu’asasada lagu magacaabo Aayatullah Al-Khumayni oo xarunteedu ku taalo xamar lagana leeyahay dalka Iiraan balse niman reer Somaliland ahi mashruuc kusoo qaateen sidii ay laan kamid ah uga hir galin lahaayeen Somaliland kuwaasi oo farac cusub si qarsoodi ah uga dhex furtay hargeysa,gudida wanaag farista iyo sirdoonka qarankuna ku hawlan yahay sidi iay u kashifi lahaayeen muddona ku daba jiraan.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle waxa uu noo sheegay in kadib shirkii shiicada ee geeska Africa ee sanadkan lagu qabtay magalada diridhabe ee dalka itoobiya ay kooxo Somaliland ka socday ka qayb galeen kuwaasi oo markii ay dalka kuso laabteen si qarsoodi ah uga dhex fidinaya fikirkaasi, isaga oo xusay In ninkii Baakistaaniga ahaa ee dhawaan dalka lagu qabtay lagana mustaafuriyay uu dalka ku dhex qaybinayay 200 oo buug oo shicii ah in badan oo dadka aaminsan fikirkaasi ahina ay ku dhex dhuumanayaan bulshada in kaste oo buu yidhi  sheekhu aanay badnayn oo  ay is qariyaan.

Sheekhu waxa noo sheegay in dadka fikirkaasi wadaa ay laba nooc u qaybsamaan kuwaasi oo kala ah

Kuwo dibada ka yimid oo fikirkan fidinaya balse qarsoodi ku shaqaynaya

Kuwo gudaha dalka ku nool oo la qaadsiiyey fikirkan balse dhamantood ay labadan qoloba si qarsoodi ah u wadaan hawlahan.

 

Kooxaaha Al-hijra Wal-takfiir

Gudoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland sheikh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle oo aan wax ka waydiinay kooxdii dhawaan lagu qabtay magaalada burco iyo guud ahaanba siday dalka uga hawl galaan waxa uu noo xaqiijiyay in koodaasi ay burco masaajid gaar ah ku lahaayeen balse dhawr iyo labaatan qof la qab-qabtay wallow aanay badnayna haddana ay  halis ku yihiin amniga qaranka iyo caqiidadeena saalixa ah isaga oo sheekhuna dawlada iyo culimdda dalkaba ku amaanay doorkii ay kooxdaasi ka qaateen ee lagu qab-qabtey.

 

Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu noo sheegay in  dadka fikirkan aaminsan oo somaliya iyo kililka shanaad ku badani ay sidoo kale waheliyaan oo ay fikirkaasi xambaarsan yihiin qaar kamida dadka kasoo jeeda qoomiyadda Oromadda,isaga oo si gaar ah uso qaatey in qaarkood dalka kaga shaqaystaan xirfado ay kamid yihiin Salaanka la isku miisaamo ee ay wadooyinka dhigtaan,qaar kamida oo guryaha ka buufiya cayayaanka iyo kuwo kale oo ku shaqaysta xamaalista iyo kaarnoolayaasha,mar uu waxyaalaha ay aaminsan yihiin ka hadlayay waxa uu sheekhu sheegay in ay aaminsan yihiin in dadkeeni gaalo yihiin oo caqligoodu xun yahay,sidoo kale ay qaar kamid ahi haweenka fikrado qaldan kaga dhaadhiciyaan in ragoodu caqiido xun leeyihiin oo ay iska furan,taasi oo halis ku ah qoysaska islaamka ah ee Somaliland,bulshadana kala kaxayn karta hadii aan dawlad,shacab iyo culimo la iska kaashan sidii wax looga qaban lahaa.

 

Khamriga,Xashiishadda Iyo Goobaha Lagu Tunto

Gudiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sidoo kale ka hadlay isticmaalka maandooriyaasha khamriga iyo xashiishada oo heerkii ugu sareysay dalka ka maraya iyo waliba goobo uu sheegay in lagu tunto oo rag iyo haween iskugu yimaadaan oo magaalooyinka waa wayn gaar aahan magaalada hargeysa si wayn ugu soo batay,kuwaas oo uu sheegay inay ka war hayaan,ciidamadana kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa isaga oo sheekuna sheegay inay jiraan hoteelo iyo guryo waa wayn oo fiilooyin ah oo lagu tunto,sidoo kalena lagu isticmaalo Khamriga iyo xashiishada oo uu sheegay in looga ganacsado loona isticmaalo,taasina ay dhibaato wayn ku keenayso diinteena iyo dalkeena oo amnigiisu halis kali karo.

 

Tallooyin Iyo Gabogabo

Gudoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland waxa uu amaanay doorka shaqo ee culimadda iyo wada shaqaynta balaadhan ee ay la leeyihiin laamaha amaanka iyo wasaaradda diinta Somaliland,isaga oo ugu baaqay in lasii xoojiyo dadaalkaasi hadii kale dalkeenu halis gali karo.

 

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here