Wafdi Midowga Yurub Ka Socda oo Hargeysa Yimid

0
1075

Hargeisa (Hargeisa Press)- Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Safiirka iyo Wafdigiisa oo ka kooban Beesha Caalamka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka ah.

Wafdigan ayaa waxay sare u qaadi doonaan cadaadiska xoogan ee Madaxweyne Biixi lagu saarayo in uu aqbalo qabashada doorashooyinka iyo sidii ugu laaban lahaa qorshaha uu dhawaan shaaciyay ee dib u furista ururada siyaasada.

Ujeedka wafdigan ayaa la xidhiidha sidii ay Madaxweynaha Somaliland ugu qancin lahaayen in uu ka laabto qorshaha uu ku rabo in uu dib u furo ururada Siyaasada iyo arrinta Komishanka cusub oo iyadana murugsan.

Khilaafka xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynuhu uu dhawaan shaaciyey in uu dib u furayo ururada siyaasada, arintaasi oo ku sheegay in uu xal u noqonayo khilaafka hadheeyay doorashooyinka.

 

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here