Wadti Ka Socday Maamulka Puntland oo Laga Saaray Magaalada Buuhoodle

0
724

Buuhoodle (Hargeisa Press)- Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax oo ka tirsan Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Buuhoodle ayaa waxa uu sheegay in xalay magaalada Buuhoodle laga saaray wafti ka tirsan Maamulka Puntland oo ku sugnaa magaalada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waftiga laga saaray magaalada Buuhoodle ee ka socda Maamulka Puntland ay magaalada ka soo galeen dhanka Itoobiya, Islamarkaana ay dib ugu noqdeen magaalada Garoowe.

Wuxuu Xildhibaan Cabdixakiin Cumar ayaa waxaa uu fariin u diray maamulka Puntland isagoona iga digay inay joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdixakiin ayaa dawlada Itoobiya ugu baaqay in ay xadkeeda ka xidhato masuuliyiinta maamulka Puntland ee qalalaasha ka wada magaalada Buuhoodle.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here