Ganacsato Ka Socota Somaliland oo Ka Dareeray Shir Ankara Ka Dhacayay

0
720

Ankara (Hargeisa Press)- Wafdi ganacsato ah oo ka socday Somaliland islamarkaana uu hogaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid oo ku sugnaa dalka Turkiga ayaa iskaga dareeray shir lagu marti qaaday.

Ujeeda waftigan oo ahayd ka qayb galka shir ka dhacayay magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo lagu soo martiqaaday 42 Wadan oo ay Somaliland ka mid tahay, ayaa is badalay kadib markii dadka shirkaasi lagu soo casuumay xubno ka noqdeen dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.

Wafdigan oo ka koobnaa 25 xubnood ayaa Shirkaasi gabi ahaan ka soo dareeray, kadib markii ay shirkaaso ay ka soo qaybgaleen Wasiiro ka socday Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegay in go’aan ku gaadheen in aanay shirkaasi ka qayb gelin islamarkaana ay banaanka ka joogaan shirkaasi, Maadaama ay ogaadeen in masuuliyiin xilal sare ka haya Soomaaliya ay shirkaasi ka soo qayb galayaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here