‘Waddanka Sweden Waxa uu si Joogto ah Door Muhiim ah uga Qaataa Horumarka Dalka Somaliland’

0
915
Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Nairobi,(HargeisaPress) —Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo ka mid yahay xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageerada ugu weyn ka gaysta horumarka dalka Somaliland.

Sidaana waxa sheegay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, kadib markii uu kulan la qaatay Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Andreas von Uexkull.

“Waxa ay ii ahayd farxad weyn in aan booqasho ugu tago Ambassador Andreas von Uexkull oo ah safiirka dalka Sweden, waxaanan ku kulannay xafiiskiisa magaalada Nairobi ee Kenya. Waddanka Sweden waxa uu si joogto ah door muhiim ah uga qaataa horumarka dalka Somaliland, waxaannu ka mid yahay Qaadhaan-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee caawiya Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar oo qoraal kooban ku faafiyey facebook-giisa shalay.

Dalka Sweden oo ku yaal dhinaca woqooyi ee qaaradda Yurub, waxa uu xidhiidh dhinacyo kala duwan ah la leeyahay Somaliland, kaasoo sidoo kale ka mid ah dalalka caalamka ee sida xooggan u daneeya hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar oo xilkaas la wareegay bishii September ee sannadkii 2018, kadib markii laga beddelay xilkiisii hore ee ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu dedaal dheeraad ah geliyey sidii looga shaqaysiin lahaa xafiiska Somaliland ee Kenya, kaasoo markii hore aan si firfircoon uga dhex muuqan xarumaha diblomaasiyiinta caalamku ku leeyihiin magaalada Nairobi, isagoo sidoo kale ka shaqeeyey kobcinta xidhiidhka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Kenya.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here