Tabobar loo Furay Shaqaale Cusub oo ka soo Gudbay Imtixaankii Laga Qaaday Gobollada Sanaag iyo Saaxil + SAWIRRO

0
881

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa tababar indho-fur ah (induction training) u qabatay shaqaalaha cusub ee ku soo baxay imtixaankii laga qaaday degaannada Gobollada Sanaag iyo Saaxil bishii December ee sannadkii 2018-ka, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 100 qof oo ay gobol walba ka soo baxeen 50 shaqaale cusub ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo arrintan qoraal kooban ka soo saaray shalay, ayaa iftiimiyey waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo in lagu tababaro shaqaalaha cusub ee ka soo baxay Gobollada Sanaag iyo Saaxil.

“Waxaa si wanaagsan uga socda gobollada kala duwan ee dalka tobabarka shaqaalihii dhawaan ku guulaystay kaalmihii shaqo ee ay soo baahisay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland. Tababarkan oo dhinacyo kala duwan laga dhisayey Shaqaalaha cusub ee ku soo biiray Hay’addaha Dowladda ayaa si habsami ah uga socda Gobollada Saaxil iyo Sanaag.

Tababarkan oo indho-fur u ah shaqaalahan sida xirfadda iyo xalaasha ah uga soo dhex guulaystay tartamayaal qiimo badan, balse calafku markan u qorin ayaa u socda; war-siin, waydiimo iyo warcelin lagaga hadlayo dhinacyada shaqo-wannaaga, waajibaadka shaqaalaha iyo xuquuqda Shaqaalaha Dowladda.

Ugu dambayn, tababarkan ayaa lagu soo xidhi doonnaa Gobollada Sool iyo Maroodi-jeex haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

Waxa hore tababar noocan oo kale ah loogu soo qabtay shaqaalaha cusub ee ka soo baxay Gobollada Awdal iyo Togdheer, kuwaasoo markii ay tababarka dhammaysteen lagu kala wareejiyey hay’adaha dowliga ah ee Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here