Ururro Caalami ah oo ka codsaday dawladda Somaliland inay laasho eedaha ay ku oogtay suxufiyiinta Ogaal iyo Hubsad

0
1003
Committee to Protect Journalists

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka soo saaray war-saxaafadeedyo kala duwan dacwado ciqaab ah oo lagu soo oogay sadex suxufi oo ka kala tirsan wargeysyada Ogaal iyo Hubsad. Ururka Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda saxaafadda ee saldhigiisu yahay Maraykanka ee la yidhaahdo Gudida Ilaalinta Saxaafadda (Committee to Protect Journalists) ayaa qoraal ay soo saareen maalintii jimcaha ahayd waxay dawladda Somaliland  ugu baaqeen inay laasho eedaha ay u haysato suxufiyiinta kala ah Muuse Jaambiir, Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar.

 

Qoraalka Gudida waxa lagu sheegay in gudoomiyaha Ogaal Muuse Jaambiir lagu eedeeyey faafin warar been abuur ah, aflagaado madaxwayne iyo ceebayn marwada koowaad ee dalka. Sida lagu sheegay qoraalka ururka waxa Muuse Jaambiir lagu haystaa qoraalo wargeyska Ogaal ka qoray bishii sideedaad ee 2015 wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera.

 

Dhinca kale Cabdirashiid Nuur, gudoomiyaha Hubsad iyo Siciid Khadar oo ah tafatiraha Hubsad ayaa dacwad ciqaab ah lagu soo oogay.

 

Hadii lagu helo eedaha loo haysto waxa suurtagal in lagu xukumo sanado badan oo xadhig ah. Kerry Paterson oo ka tirsan CPJ ayaa ugu baaqay dawladda Somaliland inay ku dadaasho inay abuurto deegaan warbaahintu ku shaqayso oo furan, iyo inay laasho dhamaan eedaha ay ku soo oogtay weriyayasha ku hawllan hawlohooda islamarkaana ay sii dayso Maxamed Cumar Jaray oo ku xidhan Boorama. CPJ waxay sheegtay in xaaladda suxufiyiintu ay ka sii dartay bilihii u danbeeyey, sida ay sheegeen dadka u dooda xuquuqda aadanuhu.

 

Dhinaca kale ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn (Reporters Without Borders) ayaa walaac ka muujiyay dacwadaha loo haysto suxufiyiinta. Wuxuuna ugu baaqay garsoorka Somaliland inay ixtiramaan dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda.

 

Ururku wuxuu ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray dalka Faransiiska oo saldhigiisu yahay in dawladda Somaliland ay qaaday talaabooyin adag oo ka dhan warbaahinta iyada oo xayirtay wargeysyada Codka Shacakba iyo XogOgaal islamarkaana wargeyska Haatuf uu xayiran yahay tan iyo April 2014.

 

Constance Desloire oo madax ka ah qaybta Afrika u qaabilsan ururka ayaa ugu baaqay garsoorka inay ixtiraamaan dastuurka iyo in loo ogolaado suxufiyiinta inay si xor ah u gutaan shaqadooda.

 

Suxufiyitiinta aan Xuduudka Lahayni waxay sheegeen in Somaliland ay xorriyadeeda ku dhawaaqday 1991kii inkasta oo ana weli la ictiraafin. Warsaxaafadeedku wuxuu sheegya in Somaliland ay 25kii sanadood ugu jirtay olole sidii ay aduunka uga heli lahayd ictiraaf caalami ah. Balse in suxufiyiinta inta badan loo hanjabo oo ay kala kulmaan masuuliyiinta falal qaldan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here