Ururada Xidhiidhka Shaqaalaha Ee Somaliland Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee Ka Shaqeeya Gudaha Somaliland.

0
976

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Xidhiidhka ururada shaqaalaha ee Somaliland Maxamed Axmed Caabi ka hadlay dadka aan dhalasho ahan kasoo jeedin somalilnd oo kusoo badanay gudaha dalka waxana uu  sheegay inay shaqaaluhu ka cabanayan shaqaalaha ajaanibka ah ee ka shaqeeya gudaha dalka Somalilnd.

 

Waxaana uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyay inay dadkan ajanibka ahi ay shaqooyinkii muwadiiniintu qaban lahayeen xaqna ay u lahaayen ay iyagu maroorsadeen kuna qaabsadeen.Waxaana gudoomiyaha oo arimahaaasi ka hadlaya uu yidhi.

 

“Waxaanu halka ka caddeyneynaa inaanu ka cabaneyno xuquuqdii shaqaalaha waxqabadkoodii oo aan sidii dhabta ahayd shaqooyinkoodii ugu jirin Shaqadii uu muwaadinku qabanayey ayuu ajaanibku qabanayaa,taa darteed waxaanu aad iyo aad uga cabaneynaa inay dawladdu wax ka qabato”Ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdi.

 

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu ka dhawaajiyey inay hay’adaha caalamiga ahi ay qaataan una shaqeeyaan dad ajaanib ah isaga oo ku eedeeyey inaanay dhalinyarada reer Somaliland ee jaamacadaha soo dhameeyey aany wax tix galina siinin marka uu soo xaraysto codsiga shaqodoonka.

 

“Dadka ajaanibka ahi waxay ka shaqeeyaan hay’adda ah caalamiga ah,meelo aaney ka shaqeyn ma jirto,laakiin hay’addaha dawladda way ku yaryihiin, dhalinyaradii reer Somaliland ee jaamacadaha soo dhameeyeyna hay’adaha caalamiga ahi wax tixgalina ma siiyan ”sidaas ayuu yidhi mudane Maxamed Axmed Caabi

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi

“Meelaha beeraha lagu waraabiyo waad ku arkeysaa qaar ajaanib ah oo waraabinaaya iyaga oo muwaadiniintii ay joogaan” Ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdi.

 

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqey laamaha dawladda inay wax ka qabtaan dadka ajaanibka ee u shaqeeya hay’addaha caalamiga ah ee dalka ku sugan,iyaga oo ay jiraan dad muwaadiniin ah oo qaban kara shaqada ay qaban karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here