UNHCR oo Walaac Ka Muujisay Fal Lagula Kacay Koox Tahriibeyaal Ah

0
404

Istanbul (Hargeisa Press) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in koox tahriibayaal ah oo iyagoo qaawan laga helay xuduud Giriiga iyo Turkiga.

Hay’adda UNHCR, ayaa waxaa ay ku baaqday in si deg deg ah baadhitaan loogu sameeyo dhacdadaas lagula kacay Tahriibeyaashaas.

Waxay sheegtay in sawirada nimanka qaawan ay yihiin wax laga argagaxo, waxayna cambaareysay fal kastoo naxris darro ah oo lagula kaco muhaajiriinta.

May be an image of 3 people

Geesta kale, dowlada Giriiga, ayaa maanta sheegtay in meydka 92 nin Jimcihi laga helay webiga Evros, waxayna dowladda Turkiga ku eedeysay inay muhaajiriintaas ku qasabtay inaydoomo caag ka sameysan kaga gudbaan webiga.

Wasiir ku xiigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga, ayaa iska fogeeyay eedeymahaasi, wuxuuna ku adkeystay in Giriiggu mas’uul ka yahay falkaasi naxriis darada ah.

Safarka halista ah ee ka soo gudbaya badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga, ayaa galaaftay nolosha kumanaan muhaajiriin ah.

Shiine Elmi Kaahin

Istanbul Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here