Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka oo La Dar-daarantay Dhalinyaro Loo Carbinayo Barashadda Dastuurka

0
655

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland, Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeedisay dhalinyaro loo carbinayo barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Agaasime Deeqa, ayaa dhalinyaradan oo noqonaya dufcadii labaad ee wax ku baran doonta Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada, u jeedisay hadalo isugu jira dar-daaran iyo dhiiri gelin, iyadoona kula dar-daarantay inay noqdaan dhalinyar qarankooda u shaqeeya islamarkaana wadaniyada ka midho dhaliya.

Waxaa ay sidoo kale Agaasime Deeqa ay dhalinyaradaasi kula dar-daarantay inay noqdaan kuwo ka duwanaada dhalinyarada kale ee aan nasiibka u helin inay ku soo xidhmaan xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada, iyadoona sheegtay inay ku faraxsan tahay degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada Hargeysa ee ay dhalinyaradani ka kala socdaan, iyagoo ah dhalinyaro walaalo ah oo isku duuban.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso oo ay ku faraxsan tahay dhalinyaradan la barayo dastuutka iyo waddaniyadda, waxaanay ku guubaabisay inay noqdaan kuwii ku dhaqma islamarkaana ilaaliya dastuurka iyo waddaniyadda.

Agaasime Deeqa, ayaa tilmaantay in ardaydani ay noqonayaan dufcadii labaad, iyadoo hore ay uga qalin jebiyeen barashadda dastuurka iyo waddaniyadda 3000 oo Arday oo ay wasaaraddu isugu gaysay wixii ay tacab haysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here