“Umalayn maayo in wakhtigan Qori xal lagu gaadhayo waana arrin gobolka ceeb ku ah”… wasiirka Beeraha

0
478

Boorama (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa kula dar-daarmay bulshadda gobolka Awdal in ay dhinac uga soo wada jeedsadaan cid kastoo dhaawacaysa nabadgeliyadda lagu majeerto gobolkaasi.

Waxaanu u jeediyay reer Awdal in gobolkoodda lagu amaani jiray deganaan iyo nabadgeliyo jacayl, isla markaana iyadoo xiligan casriga ah la maray aan Qori la qaato xal lagu gaadhi karin, balse wixii la tabanayo si nabad ah lagu raadiyo.

Wasiirku waxa uu sheegay in cid kastoo nabad geliyo darro la timaadda ay xukuumadu gacan Birra ku qabanayso, bulshada reer Awdal-na looga baahan in ay iska qabtaan qofka khaldan ee wax u dhimaya sumcadii uu gobolku lahaa.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay kulan ay magaaladda Boorama kula yeesheen madax dhaqameedka Awdal wefti wasiirro ah oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Weftigaasi oo uu ka mid yahay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland oo afarti maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaaladda Boorama.

Geesta kale wasiir Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in iyadoo Boorama ku caan baxday magaalo degan oo amaan ah in mudooyinkan danbe ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo lidi ku ah nabadgeliyadda.

Sidaas darteedna weftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenku ay u yimaadeen Boorama sidii arrintaa wax looga qaban lahaa.

Halkan Ka Daawo Hadalka Wasiirka Beeraha:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here