Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Milateriga Somaliland oo Goostay

0
807

Garoowe (Hargeisa Press)- Xeer ilaaliyihii maxkamadda sare ee ciidamada Milateriga Somaliland, Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu isaga tegay xilkii uu ka hayey Maxkamada ciidamada Milateriga Somaliland kuna biiray ciidamada daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland.

Gaashaanle Dhexe Sahal ayaa sababta uu uga soo baxay Somaliland ku sheegay cadaalad darro ka dhex jirta hay’addaha Somaliland.

Munaasabad soo dhoweyn ah oo sarkaalkan loogu sameeyey Garoowe ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Somaliland iyo gaar ahaan saraakiisha ciidamada Milaterigu ay ka soo saareen arrinta xeer ilaaliyaha.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/ Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here