U Jeedadda Socdaal Ay Hargaysa Ku Yimaadeen Wefti Ka Socday Beesha Caalamka

0
544

Hargaysa (HP): Wefti ka socday wadamadda Somaliland ka taageera arrimaha dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka oo uu wehelinayay wakiilka ururka Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay dalka.

U jeedadda weftigan ka socday saaxiibadda Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku u yimaadeen dalka ay la xidhiidho arrimaha muranku ka taagan yahay ee komishanka doorashooyinka.

Waxaana la sheegay in weftigaasi ay kulamo la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaanka labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Weftigan ka socda dalalka beesha caalamka ee taageera dimoqraadiyadda Somaliland ayaa ka koobnaa ilaa 12 xubnood, iyadoo uu wehelinayay wakiilka ururka midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  Mr. Nicolas Berlanga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyadda Somaliland oo la xidhiidha waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigaasi ka wada hadleen.

Sidoo kale hogaanka xisbiyadda mucaaradka ayaan ka hadal kulanka weftiga ka socday beesha caalamka iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Hase yeeshee wakiilka midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr.  Nicolas Berlanga, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu kaga hadlay  qodobadii ay todobaadkan soo saareen guddigii dhex dhexaadinaysay xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka.

Waxaanu Mr. Nicolas sheegay in ay taageersan yihiin qodobadii guddigaasi, taasoo ay u arkaan in ay furre u tahay qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

“Waxaan jecelahay in aan amaan u jeediyo guddiga dhex dhexaadintu hawsha aan caadiga ahayn ee ay qabteen. Waxaan u aragnaa in tallaabadasi ay dariiqa u xaadhayso qabsoomida doorashooyinka golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka ee Somaliland”ayuu yidhi Mr. Nicolas.

Waxanau intaas raaciyay, oo uu yidhi “Taageereyaasha beesha caalamku waxay ku faraxsan yihiin, taageerayaana, shaqadda ay qabteen guddiga dhex dhexaadintu. Waxaanan codsanaynaa in la fuliyo heshiiskaasi”.

Dhinaca kale qodobadii ay todobaadkan soo saareen guddiga dhex dhexaadintu ayay si isku mida u aqbaleen xukuumadda iyo xisbigeedda Kulmiye oo isku dhinac ah iyo labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here