Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo AWaamiir Faray Shaqaalaha

0
1174

Hargaysa (HP): Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ย ayaa sheegay in la xoojin doono doorkaย  wacyigelinta iyo toosinta Bulshada.

Waxaanu faray waaxda dhaqan ee wasaaradda iyo wariye-yaasha in ay kaalinta muuqata ka qaataan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa Barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo isku haynta Shacabka Somaliland .

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somalilnd, ahna afhayeenkaย  xukuumaddaย  Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ay wehelinayaan Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta shir la yeeshay shaqaale waynaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta.

 

Shirkaas ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa guud ahaa shaqada wasaaradda, isla markaana loo horumarin lahaa qaybaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradaasi.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL ahna afhayeenkaย  xukuumaddaย  Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Madashaasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa sheegay in Wasaaradani ay qaranka ugu xilsaaran tahay inay Wacyigeliso, inay Wax barto iyo inay Kaalin mug leh ka qaadato Xoojinta nabadgalyada dalka.

Wasiirku waxa uu shaqaalaha u jeediyay in ay laban labaan hawlaha shaqo ee ay qaranka uga Masโ€™uulka yihiin isagoo tilmaamay in lagula xisaabtami doono qof kasta oo shaqaalaha kamid ah kaalinta shaqo ee uu ku aaddan yahay isla markaana ay mudnaanta shaqaaluhu ku xidhnaan doontoย  hadba dadaalka shaqo ee ay muujiyaan.

Geesta kale wasiirku waxaa uu sheegay inuu kulamo gaar ah la yeelan doono waaxyaha kala duwan wasaaradda warfaafinta, isla markaana waaxyaha looga baahan yahay inay la yimaadaan qorsheyaasha ay ku hawl galayaan iyo soo gudbinta baahiyahooda.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdi-naasir Cumar Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali,ย  ayaa ka warbixiyay hawl qabadkii u hirgalay tan iyo markii loo soo magacaabay Wasaaraddan.

Iyagoo xusay inay dayactir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyeen Waaxyo ka tirsan Wasaaradda iyo Xarumaha Gobolada dalka qaarkood.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud waxaa kale oo ay sheegeen in Shaqaale-weynaha ka hawl gala Wasaaradani ay yihiin shaqaale hawl kar ah oo u heelan horumarinta qarankooda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here