Tog-Wajaale Dhismayaasha Laga Bineeyay Badhtamaha Toga-Biyo Mareenka ah ee Ganacsatadu Kala.Boobayso iyo Shacabka oo La Fajacsan

0
1506
Tog-Wajaale,(HargeisaPress)-Dhismayaal Fara baddan ayaa Toddobaadkii u Dambeeyay, Laga dhex bilaabay Gudaha Togga Biyo-Mareenka ah ee u Dhexeeya Labadda Magaalo ee Tog-Wajaale Somaliland iyo Tog-Wajaale Itoobiya Kadib Markii ay halkaa Calaamadsadeen Lana Siiyay Qaar Kamid ah Ganacsatada oo iyagu Wakhtigan si xoog ah ugu foogan Boobka iyo Dhismaha Dhulka aan Sharciga aheyn.
Guud ahaanba Bulshada Caadiga ah ee kunool Magaalada Tog-Wajaale ayaa lafajacsanaa, Maalmahan dhismaha Cusub ee Xilligan ka Bilaabmey Badhtamaha Togga Biya Mareenka ah iyadoo ay Dadku iswydiinayaan Sida ay Biyaha iskaga leexinayaan Dadka Xiligan Dhisanaya  gudaha Togga Biyuhu soo Maraan ee ay Caanka ku Tahey Tog-Wajaale kuwaas oo laga dhisayo Bakhaaro Waaweyn iyo Meheraddo u badan Istoodhada Keydka Agabka.
Dhismayaasha Wakhtigan Ka Bilaabmey Badhtamaha Toga Biyo Mareenka ah ee Tog-Wajaale Ayaa noqonaysa Markii Tobnaad ee Gudaha loo sii Galo Toga Laf ahaantiisa iyadoo Qeybtan u Dambeysaa tahey, mid lagaga Gudbey Xuduudkii Ka Madnuuca ahaa Eeriyada Uu kusoo fataho oo Tiraba afar jeer Khasaar laxaad lihi kasoo Gaadhey Dadka kusoo dhawaadey Dooxa Tog-Wajaale inkastoo ay hadda Dhaaftey halkii Awal hore looga Cabsi Qabey.
“Togan Biyo Mareenka Wajaale ee aynu aragney sida ay Biyihiisu usoo Rogmadaan, Walibana lagu lamaaneeyay Magaca Magaalada Waxa uu kasoo Bilaabmaa Meel Layidhaa (Kallarog), Waxa uu soo Maraa Jaarre,Tulli,Tuur-caanood, iyo Jabsa Waxaanu halkaa kaga soo dhacaa Meel layidhaa oon-dheere, Waxaanu Biyo baddan kasoo Qaataa Bullooyinka, lafaciise ayuu soo Marraa Qabri Nuune iyo Kurtin, Waxaan ogaa in Biyahaasi Ay ahaayeen Masiibooyinka Eebe laga Allabaryo, Iska daa Qof Guri iyo Bakhaar ka dhex dhista oo, Waxaa habeenka uu soo Rogmado looga Cabsoon jirey, in uu Magaalada kale ku Fataho” Sidaa Waxa yidhi Odey Cabdi Aw Jibriil Aare oo kamid ah odoyaasha Aqoonta u leh halka uu kasoo Bilaabmo Togan Wajaale iyo Halista uu Keenay Sanado badan oo uu usoo joogay.
Waxaanu Odey Cabdi Aw Jibriil intaa ku Darey hadalkiisa, “Waxaa Wax Lala Yaabo ah Hadda Dhismayaashan Ma oga Labada Dawlladood ee Itoobiya iyo Somaliland, Sababtoo ah Agagaarka Togu Waa Dhulkii Lamadegaanka ahaa ee aann labadooda Midna laheyn, ee aan Ciddina laheyn Laakiin Dhismayaashani, Waxey Sabab u noqonayaan in Baloodhadii dhinaca Itoobiya loo Gudbo iyadoo lagu Sheegayo Xuduudii Somaliland in ay halkaa u Fidey, Marba hadii Togii lamarayo Qofka Geeskaa Shishena haka iibiyo Ganacsatadan ku Mamtey Dhulboobka” Ayuu yidhi Odey Cabdi Aw Jibriil Aare.
“Toga Waxa Mari jirrey Biyo Nadiif ah oo Galalacda haya, Waxaana Ka Cabi Jirrey Dad iyo Duunyaba Laakiin imika Xashiish iyo Qudhun ayaa Dhexyaala Waana Magaaladaa isagii Soo gashey, Dhijaamo ayuu lahaa xataa Dadkaasi Gedabka ayaa usoo aroori jirey” Ayuu yidhi Oday Cabdi Aw Jibriil.
Dhismaayaal aan ka Yareyn illaa Toban Dhisme islamarkaana, uu kujiro Masaajid Weyn oo Dhsimihiisu Socdo, ayaa hadda Sitoos ah ugu jirra Soonaha Toga biyo marernka ah halka ay indhawaalena, Soo dhexgaleen Dhismayaasha Cusub ee Toga Gudihiisa laga bineeyay.

HargeisaPress News Desk – Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here