Wafitigii ka socday Labada Golle ee Wakiilada iyo Guurtida iyo Faadumo Siciid oo Kulamo la yeeshay Baarlamaanka Germany

0
509

BrusselsWaftigii ay hogaamineysay Siyaasiyad Faadumo Siciid ee ka koobnaa Xubnaha Labada Golle ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa Wadanka Germalka gaar ahaan Caasimadiisa Berlin kulan kula qaatay Gudaha Barlamaanka Germalka ee Bundistag loo yaqaaan.

Xubno Sare oo ka Tirsan Bendistag ee Baarlamaanka dalka Germalka ayaa si maqaan Heersare ah ugu soo dhaweeyay Waftiga ka socda Labada Golle ee Somalilaland , iyadoo kulanka ay wada yeesheen laysla soo qaaday sidii xidhiidh toos ah uu u dhex mari lahaa Baarlamaanka Somaliland iyo Bundistag ee Germalka.

Kulankan dhexmaray Xubnaha ka socda labada Gole ee Somaliland iyo Fadumo Sciid iyo Baarlamaanka Germany ayaa sidoo kale waxa lagu soo qaaday sidii xidhiidhka labada dal loo xoojin lahaa , isla markaana , dawlada Germalku u kordhin lahayd mashaariicda ay hada ka wado Somaliland , sida Balaadhinta Biyaha magaalada Hargeysa oo Dawlada |Gernalku ay Maalgalinayso.

Waftiga ka socda Labada Golle ee Somaliland ayaa ugu danbayn aad ugu mahadnaqay Xubnaha ka tirsan Baatlamaanka Germalka ee sida qadarintu ku jirto ugu soo dhaweeyay, waxaanay waftigu aad uga mabsuudeen Qaabka Maqaamka sare leh ee ay u qaabileen , iyagoo dhamaan hawlihii faraha badnaa ee ay kawada hadlleen ay si weyn iskula Afgarteen.

Dhinaca kale Waftiga markii ay dhamaysteen hawlihii shaqo ee ay u jooggeen magaalada Berlin, waxay kulamo kale ku yeesheen magaalada Bon ee Caasimadii hore dalka Germalka Haydo Caaliami ah oo Fadhigoodu yahay magaalada Bon , iyagoo Qaarkood ka hawl gala Gudaha Somaliland Mashaariic kala duwana ka wada .

Waftigan ka socda Somaliland ee muddo ku suqnaa wadanka Belgium ayaa kulamo muhiim ah oo iskaashineed la yeeshay Baarlamaanka Yurub , iyadoo mudadii ay jooggenn isla meel dhigay in Midawga Yurub mashaariicda uu Somaliland ka wado si toos ah uga Fuliyo iyadoon aan cidkale loo soo marinayn, waxaanay balan qaadeen inay wada shaqayn dhaw la yeelan doonaan Dawlada Somaliland iyo Baarlamaankaba .

Waftigan ka socda labada Gole ee Somaliland ayaa la filayaa in wadanka dhawaan ku noqon doonaan iyagoo hawlaha ay u yimaadeen wadanka Belgium iyo Germany guud ahaan sidii ay filayeen iyo si ka fiican ugu qabsoomay , waftiga ayaa sida warabaahinta u sheeggenn si Waafi ah ugu sharxi doonaa warbaahinta Somaliland hawlaha ay soo qabteen marka way wadanka ku guryo noqdaan.

Sacadguray  Gabileynewsonline.com

Brussels Belgium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here