Taliyihii Hore Ee Ciidammada Qaranka Oo Shacabka Uga Digay Inay U Dhego-nuglaadaan Borobagaandada Cadowgu Ku Kala-qaybinayo

0
1111
Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliyihii hore ee Ciidammada Qaranka Somaliland General Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif), ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay ka feejignaadaan Warar Borobagaando ah oo uu sheegay in Dad Cadow ahi doonayaan inay iskaga hor-keenaan.

Mujaahid Jidhif oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, oo daba-socday Rabshado ka dhacay Magaalooyinka Dalka qaarkood oo khasaare ka dhashay, ayaa sheegay in Doorashadii Madaxtooyadu si wanaagsan u dhacday, laakiin Warar Borobagaando ah oo Cadowga Somaliland ka dambeeyeen ay sababeen in Shacabka Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ay rabshado sameeyaan, sidaasi awgeed loo baahan yahay in laga digtoonaado Cadowga.

Mujaahidka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu Shirnay Rag badan oo Mujaahidiinta ka mid ah, waxaanu Hambalyeynay Shacabka Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka, annaga oo ku faraxsan sidii ay inoogu dhacday Doorashadu, taasi oo inoo keeni doonto arrimo Dibedda iyo Gudahaba innagaga xidhnaa. Laakiin waxaan leeyahay cadow baynu leenahay oo waa la innagu dhex jiraa, borobagaando ayaa la innaga fidinayaa, waxaan Shacabka Somaliland uga digayaa inay rumaystaan Borobagaandada la innaga fidinayo.”

Genaral Jidhif wuxuu sheegay in Shacabka Rabshadaha sameeyay aanay waxba diiddanayn ee War been ah dhegaha loogu riday “Shaqaaqooyinkii ka dhacay Burco iyo Hargeysa waanu ka xunnahay, Dadkii ku dhintayna ILAAHAY ha u naxariisto. Waxay ahayd Borobagaando la innagu soo dhex tuuray ee Shacabka reer Burco waxba ma diidanayn, waxaana dhegta loogu riday Waraaqo Foojari ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Shacabka Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa inay Raali ku noqdaan wixii ka soo baxa Komiishanka. Saddexda Nin hore midkoodna inooma soo xukumin, Maanta ayaa ugu horreysa ka noqonaya ee ILAAHAY ogyahay, markaa in la raaco oo la isku Hambalyeeyo weeyaan.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here