Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Oo Beeniyey Xadhiga Taliyihii Saldhiga Ibraahin Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa

0
853

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliye-ku-xigeenka Ciidanka   booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa ka jawaabay warar sheegaya in la xidhay taliyihii Saldhiga Dagmada  Ibraahim Koodbuur Bedel Xasan Qayl.

 

Taliye Fooxle Oo Khadka Taleefanka ugu waramay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in aanay jirin xadhig lagula kacay taliyaha Saldhiga  Booliska degmada  Ibraahim Kood buur, taliyaha oo arimahaas ka hadlayaa waxa u Yidhi.

 

“Adeer warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiran imikadaa aan kula hadlaayo, waxa uu ku jiraa Shaqadiisii warkaasina waa been cid xidhayna ma jirto warkaasi waa been abuur ” ayuu yidhi taliye Fooxle.

 

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay xilkii ka xayuubisay taliyihii saldhiga ibraahim koodbuur, iyada oo xisbiga Waddani uu sheegay in maamus ka xayuubinta lagula kacay taliyahaasi ay timid kadib markii uu maalintii shalay u ogolaaday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu xabsiga ku booqdo ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan saldhigaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here