Taliyaha Ciidamadda Qaranka oo Xadhiga Ka Jaray Miiska Saraakiisha Gobolka Sanaag

0
1448

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Taliyaha Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa maanta xadhiga ka jaray miiska saraakiisha ciidamada Qaranka ee gobolka Sanaag.

Dhismaha cusub ee Miiska Saraakiisha gobolka Sanaag oo ka kooban hal dabaq waxa ugu horayn ka hadlay Afhayeenka Ciidamadda Qaranka C/raxmaan C/laahai Xasan, waxaanu sheegay in dhismahani yahay mid casriya oo isugu jira qaybaha kala duwan ee xafiisyada shirarka, qolalka hurdada, fadhiyo iyo qaybo kale.

Taliyaha Qaybta Sadexaad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye guuto Muuse Jaamac Delef, ayaa sheegay in dhismahan cusub ee loo hirgeliyay saraakiisha gobolka Sanaag uu ka mid yahay dhismayaasha ugu bilicda dheer magaaladda Ceerigaabo isagoo hirgelinta dhismahaasina uga mahadceliyay taliyaha Ciidamada Qaranka.

Taliyaha Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo ugu danbayntii halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in hirgelinta dhismahan uu uga mahad celinyayo Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in dhismahani uu muujinayo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here