Suxufi Axmed Cismaan Batuun Oo Soo Saaray Maanso Cusub Oo Layidha SALIILYO Oo Ka Hadlaysa In Aan Qabyaalad Iyo Cunsuriyad Lagu Dooran Musharaxiinta ..…..

0
915
Axmed Cisman Batuun

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wariye  Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah suxufiyiinta Somaliland ayaa soo saaray maanso cusub oo layidha SALIILYO, maansada oo ka hadlaysa in aan qabyaalad iyo cunsuriyad lagu dooran musharaxiinta ee lagu kala raaco barnaamijyadooda ay dalka iyo dadka wax ugu qabanayaan.

 

Ma sarin oo maan sifayn

Ma solin oo waan ka tagay

Suugaantii waxan u nacay

Dadkiibaan dhagaha siin

Waxaana ka saahidoo

Dhamaan ila qaba sidaa

abwaanada soomay ee

Siduu xaalkeenu yahay

ka qaaday saskee beryahan

ka seexday fagaarihii

ha yeeshee sabab la,aan

umaan soo galin badkee

Saddarro qalqaloocanbaa

Ku saydhi waxaa i yidhi

Damiir samihiinna jecel

Saliilyada aan qabee

Saqdii dhexee aan la kacay

Hadii aanay igu simayn

ujeedka inaan sawiro

Waan soo gaagaabiyoo

Warkaygaan saafaayaa

lur sahan kaa baajiyaa

Loo saaraa geeddi awr

Sarbeebtana qeexisbaa

Ujeedada lagu sugaa

Runbaa sacab loo tuma

Dadkana isa seeg ka wayn

Qabyaalad sumaysan iyo

siyaasadi muu dhax marin

Dantuna waa seeto oo

Hadii aan lagu salayn

Sinaan waxtarkeeda guud

Sokeeye ma baylah tiro

Qabyada kuu sudhan dagtoo

Safaad waxa kuugu filan

Kuwii aad saaciddeed

Saf dheer iyo bacadka kulul

U soognayd maalmehee

Miyay guul kuu sunteen

Nadaafad makuu sugeen

miyay sallaxeen dariiq

Sariibad makuu dhiseen

salado iyo daaro badan

Baloodhada siman carrada

Gawaadhi sabbaynaysiyo

Safaariyo laysu tolo

Cashuurteenoo la siro

Umaynaan siin codkee

Miyaydaan saluugga iyo

Salcaanka ka waabanoo

Caqligu sakatiba lahayn

hadaad sigateen in badan

Markaad ku socdaalaysaan

Tareen ka samaysan caws

Muddona soo joogayoo

Mishiinkiisoo sanqadhay

La sudhay qaraf aan damayn

saliid olol taabtaybaa

Idaylkii saaqayoo

Xaqiiq lama sahashadee

Holaca aad saarantahay

Malaha siqiddaa ka roon

Qabyaaladi saacadnaba

Sad iyo male fiicni oo

Xumaantay soofe iyo

U tahay saldhig buuxa oo

Waxay seejisaa bulshada

Barwaaqada lagu socdee

intaad isku seegaysaan

Siyaasi warkiisu yahay

inaad saartaan kursiga

Talana kuu sigib tirayn

inay ka sokayso garo

Xilkeedna ku saaranyahay

Dalkoo loo sahamiyaa

sanduuqa adaa xukuma

siyaasiga guul u hura

Adaa kala saari kara

Suureeya waxay rabaan

Arladu sabi iyo mid wayn

Sargoo marka aad tidhaa

Ayuu rabbi kuu sahlaa

Ha socon adigoon is hubin

Ha siin ruux aan mudnayn

Awoodaadana ku soco

Intaad saaftaan dadyohow

waxaad soo doorataan

Midkii saadaasha guud

Samaan loo tirin karee

Siyaasadda uu watana

Dantiinu ku salaysantahay

mid aan kala soocinoo

Bulashada kala saarinoo

Sinaanta daneeya oo

Su,aalaha aad qabtaan

Ka keena jawaabo sugan

Ka bogo waxad soo marteen

dalkana yaan salaw la galin

Sawaariikh iyo af xumo

Saxaafadda yaan la marin

intaad isa saamaxdaan

Salkana u dhigtaan rajada

ku dara filashada samaan

Hiigsina samirbaa wadoo

Ogow qaran wada socdaa

Saameeya aduunyadee

Ku faan soomaalilaand.

 

Axmed Cismaan Batuun

……………..2016………..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here