Suldaanka Beesha Subeer Awal Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Komishanka Doorashooyinka

0
1139

Hargeysa, (HargeisaPress) — Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi,oo ka mid ah Madaxdhaqmeedka Somaliland,ayaa taageray Gudida Doorashooyinka wakhtiga ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada. Guddida oo maanta Shir jaraa’id qabtay kadibna Golaha wakiilada hor tagay ayaa sheegay inay qorsheeyeen in dalka doorashadu ka dhacdo 1-da bisha June 2016-ka, sidaasna ay Madaxweynaha ugu gudbiyeen Muddadaasi si uu ugu cayimo doorashada.

 

Suldaanka oo war qoraal ah ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebooga,ayaa Soo Dhaweeyay Go’aankii Komishanka Doorashooyinka una mahad celiyay Komishanka .

 

Waxaana uu qoraalkaasi u dhignaa sida tan:

 

 

SALAAMU CALEYKUM WARAXMATU LLAAHI WABARAKAATU UGU HOREYN MAHAD ALLE AYAA LEH MARKA XIGA KOMISHANKA WAA U MAHAD CELINAYNAA TALAABADA AQBAL EE TALO BIXINTII 19KA BISHA QAADEEN WAR SAXAAFADEED KALE OO KU WAJAHAN XUKUUMADA IYO GUURTIDA SUBAXA HADII ALLE IDMO AYAA INOO BALAMA BI IDNI LLAAH MAHAD NAQ LABAAD AXSAABTA MUCAARIDKA AYAAN UDIRAYAA DHAMAANBA DHINACYADA AY KHUSAYSO QADIYADU WADA SHAQAYN WACAN.

WABILLAAHI TOWFIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here