Xukuumadda Somaliland oo Xasan Sheekh Ku Eedaysay Dilka Cabdinaasir Dahable

0
1553

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay eedayn culus u jeedisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ku eedaysay in uu amaray dilkii Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo lagu dilay Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dilka Cabdinaasir Dahable u adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISSA iyo Hay’adda Duulista.

Wasiirka, ayaa sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cida dilka gaysatay, waxaana uu sheegay in 7 nin loo adeegsaday dilka Cabdinaasir Muuse Dahable.

Geesta kale, Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay 5 Dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Somaliland oo Muqdisho ugu xidhan si ay dusha isaga saaraan dilka Cabdinaasir Dahable, islamarkaana xabsiga loogu gaystay jidh dil.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sideed gaadhaya, ayaa xabsiga ku booqday dhallinyaradan xidhan, waxana ay xaqiijiyeen in jidh dil xooggan oo dhammaan jidhkooda ka muuqanaya loo gaystay Dhallinyaradan xidhan.

Dhallinyarada, ayaa Xildhibaanada u sheegay in si kasta loo jidh dilay si ay dusha isaga saaraan dilka Cabdinaasir Muuse Dahable.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kale sheegay in ay indhahooda ku arkeen nabarrada Argagaxa leh ee loo gaystay dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here