Qorshaha Horumarinta Dakada Berbera Waa Mid Faaido Badan u Leh Wadanka

0
1069

Dakada caalamigaa ah ee berbera waa isha ugu muhiimsan dhaqaalaheena, taas oo door wayna ka ciyaarta kor u kaca dhaqaalaha wadanka, sanadkasta takada berbera waxa dalka ka soo gala dakhli fara badan oo wax wayn ka tara horumarka wadanka ka socda, tan iyo markii ay xukunka dalka la wareegtay xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed siilaanyo, wax badan ayaa lagu kordhiyey dakada bebera, iyada oo laga dhigay mid heer caalamiya, waxaana lo dhamaystiray inta badan adegyada loogu tala galay dakadaha caalamigaa, horumarintaas lagu sameeyey dakada berbera ayaa waxa ay keentay in ay ku soo hirtaan shirkadaha caalamiga ee casriyeynta ku sameeya dakadaha dunida, ugu yaraan shan shirkadood ayaa imika tartan xoogan ugu jira sidii ay mid waliba ugu guulaysan lahayd, mashruuca dib u casriyeynta iyo horumarinta dakeda berbera e ay xukuumadu wado, qorshahani lagu horumarinayo dakada ugu wayn wadanka ayaa ah kii ugu horeeyey uguna balaadhnaa ee loo hindiso kor u qaadida dakada berbera, mashruucani waa mid faa ido badan u leh wadankena iyo kor u kaca dhaqaalaheena, waa hindise dakada barbera u soo jiidaya suuqyada dakadaha dunida, sidoo kale waxa ay muujinaysaa isbadalka dhinaca horumarka ee aynu maalinba maalinta ka danabaysa kusii talaabsanayno, dakada berbera waa mid qadiimaya oo magac iyo taariikh fac wayn ku leh geeska Africa iyo in badan oo dunida ka midaba, waxana ay in badan lasoo jaanqaaday dakadaha dunida, qorhahani lagu horumarinayo dakada berbera  waxa uu isbadal wayn ku samaynayaa nolosha shacabka Somaliland, sidoo kale waxa uu isbadal muuqda ku samayn doonaa dhaqaalaha wadanka, hindisahani lagu horumarinayo dakada berbera aad ayaan ugu bogaadinayaa xukuumada Somaliland, anigoo ku dhiiri galinaya inay ku dadaalaan sidii ay uga midha dhalin lahaayeen qorshahaasi faaidada badan u leh wadanka,

 

 

W/Q : nimco nuur

Email : nimco1432015@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here