“Haamaha Kaydka Shidaalka Waxa Imika Ka Qabsoomay, Kamay Qabsoomin Intii Ay Gacanta Ku Haysay TOTAL” Sheekh Saleebaan Siciid

0
790

Berbera , (HargeisaPress) — Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera, Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa ka waramay waxqabadkiisa sanadka cusub ee 2015-ka, waxaanu sheegay in waxqabadka u hirgalay Haamaha kaydka uu ugu muhiimsan yahay Shaybaadhka Shidaalka, kaasi oo hawshiisa gacanta lagu hayo.

Sheekh Saleebaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Berbera ayaa sidoo kale ka hadlay dad war xumo tashiil ah oo dadweynaha tashuush kaga furaya shaybaadhka shidaalka. Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka oo ka hadlaya mashaariicda u hirgashay ayaa yidhi

“Haamaha kaydka Shidaalka waxa ka qabsoomay Mudadii uu xukunka Somaliland gacanta ku hayey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kamay qabsoomin intii ay Haamaha kaydka Gacanta ku haysay shirkaddii TOTAL. Waayo imika mashruuca koowaad waxa dhamaaday shan haamood oo hore Madaxwaynaha Somaliland u furay, waddadii baa dhamaatey, mishiinno cusub baanu keenay, haamo cusub oo toban kun oo mitir Kuyuub ah ayaa waxa hadda bilaabaya shirkad Kuuriyaan, kaasi oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan dhagax dhigay”

Maareeyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay “Shaybaadhka shidaalka ayaa ah ka ugu muhiimsan waxqabadka sanadka cusub” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Dad baa shaybaadhka shidaalka leh dad baa leh, shirkad baa leh, laakiin waxaan leeyahay shaybaadhka shidaalku waa hanti Qaran, waxaana leh Jamhuuriyadda Somaliland oo waxa maamulkiisa iyo gacan ku hayntiisaba leh”

Maareeye Saleebaan, oo farriin u diraya siyaasiyiinta warka xun bulshada u gudbiya ayaa yidhi “Dadka iyo saxaafadda ka hadlaya shaybaadhka shidaalka annaga wax ha naga waydiiyaan, waayo Madaxweynaha Somaliland ayaa dhagax dhigay, annaga ayaa dhiseyna. Iyada oo qaranku ku guuleystay in la helo shaybaadhka shidaalka, annaga oo ilaalinayna gaadiidka dadweynaha inaan shidaal xumo kaga dhicin, maaha in laabkii in been la geliyo oo la yidhaahdo yaa leh shaybaadhka shidaalka. Qofku marka uu kursi doonayo ama xil waa in wixii wanaag ah ee soo kordha uu ummada u sheego..” ayuu yidhi.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here