Soomaaliya oo Shaacisay Inay Somaliland Gaadhsiisay $12.7 Milyan

0
575

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag gaadhaysa $11.7 Milyan oo dollar la gaadhsiiyay Somaliland.

Lacagta, ayuu sheegay in la gaadhsiiyay guddiga gurmad Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa si wax lagaga qabto dib u dhiska suuqa oo dad badani ay ku hanti beeleen.

Lacagtan ayuu Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ku sheegay inay ku jirtay khasnadda dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu hore u fasaxay Ra’iisal wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ka dib masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen.

Dhanka kale, Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna jeediyay baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saameeyey dadbkii baabi’iyay suuqa Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in dabkaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here