Soomaaliya oo Billowday Tartanka Bixinta Liisanka Balookyada Shidaal Baadhista

0
1300

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisey inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baadhayo ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa qoraalka uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in balookyada lagu tartamayo ay kala yihiin 52,153,164,165,177,178 iyo 204), kuwaas oo lagu maamuli doono xeerka Batroolka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in 130 maal-gashadayaal caalami ah ay ka qeyb-galeen kulan ay dowladda qabatay oo lagaga dhawaaqay tartanka bixinta shatiyada shidaal sahminta ee toddobada balook.

Balookyadan ayaa waxay maamul goboleedyada ugu kala yaalaan:

Galmudug: 152 iyo 153

HirShabelle: 164 iyo 165

Koonfur Galbeed: 177 iyo 178

Jubaland: 204

Qorshahan tartanka shati bixinta ayaa socon doona ilaa bisha March 2021, sida uu sheegay wasiir Hilaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xidhmo oo la qorsheynayo in la baadho ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here