Xukuumadda Somaliland oo Dacwad Ka Gudbisay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

0
1999

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa waxaa ay dacwad ka gudbisay qaar ka mid ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Dacwadan ka dhanka dugsiyada gaarka loo leeyahay ayay wasaarada Waxbarashadu u gudbisay xeer ilaalinta qaranka.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan wasaarada waxbarashada ee dacwadaasi ka gudbiyay dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa waxa ka mid ah Guddoomiye-yaasha Aagga Bari iyo Galbeed ee gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food cadde) iyo Cabdiqaadir jeex.

Waxaanay sheegeen in 6-Iskuul ay dib u fureen goobahii waxbarasho iyadoo talaabadaasi bulshada ku keeni karta halis ah, inuu xanuunku faafo.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay dugsiyadaasi sifo aan sharci ahayn ay dib ugu furreen goobahii waxbarashada ardaydii iyo waalidiintina isugu yeedheen, iyadoo wali ay jirto halista xanuunka dilaaga ah ee covid-19 oo ku faafi kara dalka.

Dhinaca kale, warar ay helayso Warbaahinta Hargeisapress ayaa sheegaya in xukuumadu wado qorshe ay kula wareegayso dugsiyadaasi gaarka loo leeyahay.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here